Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo si hoose u wada qorshe ka dhan ah Ukraine (2 dal oo la xusay)

0

(Brussels) 08 Maarso 2022 – Jarmanka, Holland iyo wadamo kale oo Galbeedka Yurub ah ayaa doonaya in Guddiga Yurub uu baaro diyaarsanaanta Ukraine ee xubinnimada Midowga Yurub kahor inta aysan si degdeg ah u baarin codsigeeda Midowga Yurub, Bloomberg ayaa werisay, iyadoo soo xiganeysa diblomaasiyiin aan la magacaabin.

Wadamada dariska la ah Yukrayn ee bariga Yurub ayaa u riixayey inay Ukraine si degdeg ah ugu biiraan EU.

Yeelkeede, wadamada tillaabadaa diiddan, oo kaliya Jarmanka iyo Holland laga xusay, “waxay rabaan inay haatan diiradda saaraan siinta taageero wax ku ool ah oo Ukraine hesho iyo soo afjarida dagaalka halkii ay bilaabi lahaayeen geeddi-socod qaadan kara ugu yaraan toban sano,” sida ay faafisay Bloomberg.

Ukraine ayaa codsatay xubinnimada Midowga Yurub usbuucii hore, iyadoo uu Madaxweyne Volodymyr Zelensky uu weydiistay “ku biiris degdega ah iyada oo loo marayo hab cusub oo gaar ah.” Dalabkiisa waxaa taageeray hoggaamiyeyaasha dalalka Bulgaria, Czech Republic, Estonia, Latvia, Lithuania, Poland, Slovakia iyo Slovenia, kuwaasoo warqad furan ku waydiistey in “hay’aadka EU ay dedejiyaan soo gelidda Ukraine ee EU.”

Si kastaba ha ahaatee, wax la yiraahdo “nidaam gaar ihi” ma jiro, iyadoo xitaa gaaritaanka heerka musharrax ay sida caadiga ah u baahan tahay baaritaan ay sameeyaan Guddiga Yurub iyo ogolaanshaha wadajirka ah ee dhammaan 27-ka waddan ee xubnaha ka ah EU.

Marka uu dalku u qalmo inuu musharrax noqdo, inuu xubinimo buuxda helo ayaa waxay deeto qaadan kartaa sanado ama xitaa tobanaan sano in la siiyo. Tusaale ahaan Turkigu waxa uu musharrax ahaa ilaa 1999-kii.

Hadalsame Media