DIGNIIN: Sunaami kusoo fool leh Turkiga & meelaha uu ku dhufan karo oo la sheegay

0

(Hadalsame) 08 Maarso 2022 – Sunaamigu waa dhacdo inta badan naadir ku ah dalka Turkiga, oo ah laakiin waddan caadeystay dhulgariirrada waawayn. Laakiin haatan waxay khubaradu ka digayaan in mowjado sare ee ilaa 3 mitir dhereran (9 cagood) oo Sunaami ah la filayo inay dalkaa ku dhuftaan, sida uu sheegayo borofaysar ku-xigeenka Doğan Kalafat.

Kalafat wuxuu madax ka yahay xarunta la socodka dhulgariirka-Sunaamiga ee Jaamacadda Boğazici University qaybta Daraasaadka iyo La Socodka Dhul-gariirka, taasoo ah qaybta daraasaadka ee dalkan dhul-gariirka u nugul.

Ifafaalahan Sunaamiga ayaa markii ugu horreeysay waxay ka warqab baahsan Turkiga ka heshay kaddib dhul-gariirkii Badwaynta Hindiya ee 2004 iyo Sunaamigii xigey iyo dhul-gariirkii Tohoku iyo Sunaamigii Japan 2011.

Sida ay muujiyeen labadan masiibo, tsunami-gu wuxuu u muuqdaa inuu ku badan yahay badwaynta, laakiin xaaladdu mar walba sidaa ma aha oo badaha yar yarna wuu ka dhacaa, sida Turkiga laftiisa uu marqaati ka ahaa 2020 wixii ka dhacay Badda Aegean ee Gobolka Izmir ee Turkiga

Masiibadan, oo ahayd tii ugu dhimashada badnayd ee soo marta gobolka iyo Turkiga waayahan dambe, ayaa kicisay Sunaami ka dhacay xeebta Degmada Seferihisar, oo xudunta u ahayd, waxaana dhacday in uu ku dhufto wax kasta oo xeebta u dhowaa.

Kalafat waxa uu sheegay in shaqadoodu hadda ay ku badan tahay Bariga Badda Dhexe ee Mediterranean-ka marka ay indha indheeyaan saldhigyada seismic-ka iyo saldhigyada biyaha hoostooda ee halkaas oo lagu cabbirayo heerka biyaha.

Wuxuu intaas ku daray in gobollada dhaca Aegean iyo Mediterranean-ka ee Turkigu ay halista ugu wayn ugu jiraan Sunaamigan. “Xeebaha koonfur-galbeed, laga bilaabo (jasiiradda Giriigga) Crete ilaa Muğla (gobolka), Gökova, Fethiye iyo xeebaha Antalya ayaa iyagana la calaameeyey inay la kulmi karaan khatarta sunaamigan 3-da mitir ah.

Sunaamigan ayuu Kalafay tilmaamay inuu ka dhalan karo marka ay qaansada Crete, oo ah aagga ay iska herdiyaan tektoonigga Afrika iyo midka Aegean-Anatolian uu ka dhasho dhul-gariir.

Hadalsame Media