Shiinaha oo la sheegay inuu si aan horay loo arag uu uga jillaabto Somalia (Arag heshiis halis ah oo lala galay)

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2022 – Waxaa baraha bulshada wareegaya sawirro aan la xaqiijin karin oo muujinaya kalluun aad u fara badan oo la sheegayo in Shiinuhu uu ka jillaabtay xeebaha Somalia & Madagascar.

Sawirradan oo la raaciyey kabshanno Ingirisiisi & Carabi ah ayaa lagu sheegay in haddii uu Shiinuhu sidan uga sii jillaabto Somalia aan wax kalluun ah lagu arki doonin 5 sanadood kaddib.

Waloow ay taasi ka badbadin tahay misna Shiinaha ayaa lagu yaqaan inuu si dar dar badan oo aanu waxba reebin ama xeerin uga kalluumaysto dalal ay Somalia ku jirto.

Waxaa jirey heshiis dhacay Diseembar 2018 kaasoo ay DF Somalia ay rukhsad loogu marmarsooday in lagu amaahanayo 200m oo doollar oo lagu dhisayo Dekedda Muqdisho lala galay bangi Shiinays ah.

Wuxuu Exim Bank ee hoos taga Dowladda Shiinuhu boggiisa Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Bangiga iyo Dowladda Somalia waxay ku heshiiyeen heshiis amaah ah oo $200milyan oo doollar ah oo dib loogu dhisayo dekedda Muqdisho.”

Sheekadu halkaa kuma harin oo wuxuu kusii daray: ”Bankigu wuxuu xuquuq u gaar ah u yeelan doonaa ka kalluumaysiga xeebaha Somalia isagoo qayb ku yeelan doona milkiyadda dekedda inta qaanta si buuxda looga bixinayo.”

Arrinta xusidda mudani waxay tahay in maraakiinta Shiinuhu ay haatan ka kalluumaystaan xeebaha Somalia, balse ma jirto wax deked ah oo la dhisay iyadoo aysan Dekedda Xamar ballaarin mooyee dhismo u baahnayn, heshiiskana dhisme lagu qoray.

Sidoo kale, lama yaqaan in Shiinaha lacagtaa rubac milyanka ku dhow laga qaaday maadaama uu kalluumaysigii wado iyo halka la mariyey lacagtaasi lagula saantirtay Dekedda.

 

Hadalsame Media