”Halla khaarajiyo Putin!” – Ruushka oo si kulul uga jawaabey hadal kasoo yeerey senatar Maraykan ah

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2022 – Senetarka Maraykanka ah ee Lindsey Graham ayaa waxa uu ku waashay xiisadda ka dhex aloosan Moscow iyo reer Galbeedka, sida uu warka u dhigay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, kaddib baaqyo ka soo yeeray siyaasiga oo soo jeediyey in xitaa la dilo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Qof walba ma ahaan karo ma degannaan karo maalmahan, qaar [dad] baa waxay lumiyaan dareenkooda,” Peskov ayaa sidaa ka sheegay shir jaraa’id, isaga oo ka faalloonaya hadalladii Graham ee Khamiistii mar uu kasoo muuqday Fox News.

Graham ayaa waxa uu soo jeediyay intii uu socday bandhiggu in “qof ku sugan Ruushka” uu dilo Putin.

Peskov wuxuu taa tilmaamay “kacsanaan marqaansan” taasoo ka tarjumaysa Ruush nacayb xarka goostay oo ka muuqanaya Maraykanka, iyadoo horaantii Jimcihii shalay, uu Danjirha Ruushka ee Washington, Anatoly Antonov, uu hadalka senatarka ku tilmaamay “wax aan la aqbali karin oo laga xumaado.”

Moscow waxay sidoo kale ka dalbatay Maraykanka sharraxaad rasmi ah oo ku saabsan waxa ay ugu yeertay si dadban ugu ololeynta fal argagixiso.

Khamiistii, Graham waxa uu ku andacoodey “sida kaliya” ee lagu soo afjari karo duullaanka Ruushka ee Ukraine ay tahay in la khaarajiyo, waloow aysan taasi u sahlanayn sida uu Graham u dhigayo, maadaama uu Putin laftiisu sirdoon ahaan jirey sidoo kalena uu leeyahay kumannaan ilaalo ah oo aad loo carbiyo loona hubiyo.

Hadalsame Media