Ruushka oo xabbad joojin ku dhawaaqay xilli uu Maraykanku ogolaaday in Turkigu uu door dheeraad ah qaato

0

(Moscow) 05 Maarso 2022 – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in ay joojinayso weerarka 10-ka subaxnimo ee waqtiga maxaliga ah ee Sabtigan si dadka degaanku ay uga baxaan magaalada hareeraysan ee badda Azov Sea ee Mariupol, oo 110km (68 mayl) u jirta Donetsk.

Ruushku waxa uu magaaladan u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Dadka Donetsk (DPR). Si kastaba ha ahaatee, waxaa gacanta ku hayey Ukraine tan iyo 2014-kii.

Waddo kale oo bini’aadmimnimo ayaa loo sameeyay magaalada Volnovakha ee u dhow, oo ay sidoo kale gacanta ku hayaan dadka reer Ukraine. Moscow waxay sheegtay in marinno nabdoon ay kula heshiiyeen Ukraine oo ay ku kulmeen wareegii labaad ee wadahadalada nabadda ee Belarus Khamiistii. Xabbad joojintan ayaa ah mid KMG ah.

Turkiga iyo Maraykanka ayaa iyana Jimcihii ku heshiiyey dadaallo dheeri ah oo wadajir ah si wadahadallada Ukraine iyo Ruushka ay natiijooyin fiicani uga soo baxaan.

Afhayeenka Madaxtooyada, Ibrahim Kalın, iyo Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy Sherman, ayaa kulmay waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka iyo sidoo kale Ukraine.

Waxaa kulankan hoosta lagaga xarriiqay in dagaalka Ukraine uu sababay masiibo bini’aadminnimo oo hor leh oo saameyn xun ku yeelan karta gobolka iyo caalamka oo dhan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay inay tahay in dagaalka la soo afjaro iyadoo aanu dhicin burbur dheeraad ihi, Turkigana uu xiriir joogto ah la sameeyo dhinacyada isku haya colaadda, uuna diyaar u yahay inuu marti-geliyo wada-xaajood.

Hadalsame Media

Facebook Comments