”Cidna ka yeeli mayno!” – Shiinaha oo ku dhawaaqay qorshe uu la maaggan yahay Taiwan islamarkaana digniin diray

0

(Beijing) 05 Maarso 2022 – Raysal Wasaaraha Shiinaha, Li Keqiang, ayaa maanta ballanqaaday inay sii kobcin doonaan xiriir nabdoon oo Taiwan lagu wajaho iyo “dib u mideyn”, wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo gooni-goosad ah ama faragelin shisheeye, isagoo laakiin canaan adag kala kulmay Taipei.

Shiinaha oo ku taagan moowqif ah ah in Taiwan ay tahay gobol iyaga ka tirsan sida taariikhdaba ku cad, aya wuxuu beryihii dambe sare u qaaday howlaha ciidan ee uu ka wado agagaarka jasiiraddan gaar ahaan 2dii sano ee u dambeeyey, taasoo iska horkeentay Beijing & Washington, oo ah taageeraha ugu wayn ee nidaamka dimoqraadiga ah ee Taipei.

Isagoo ka hadlayay furitaanka kulanka sannadlaha ah ee Baarlamaanka Shiinaha, Li wuxuu xusay in Beijing ay ku taagan tahay mabda’a “hal Shiine” oo sheegaya in Taiwan ay ka tirsan tahay Shiinaha.

“Waxaan sii horumarin doonaa kobaca nabada ah ee cilaaqaadka guud ahaan marin-biyoodka Taiwan iyo dib u mideynta Shiinaha,” ayuu yiri.

“Dhammaan annaga, oo ah Shiinaha labada dhinac ka deggan marin-biyoodka Taiwan, waa in aan isu nimaadnaa si aan u horumarino qadiyadda wayn ee sharafta leh ee dib u soo nooleynta Shiinaha,” ayuu ku baaqay.

Golaha Arrimaha Dhulwaynaha Shiinaha ugu qaybsan Taiwan ayaase ka jawaabey warkiisa isagoo sheegay in Shiinuhu uu diiradda saaro wax ka qabashada welwelka dhabta ah ee dadkeeda iyo horumarinta dimuqraadiyadda halkii uu “wiiqi lahaa shuruucda iyo nidaamka caalamiga ah.”

“Rayiga dadwaynaha Taiwan waxay si adag uga soo horjeedaan qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Shiinaha, caga-juglaynta millateri iyo cadaadiska diblamaasiyadeed ee Shiinuhu soo rogay,” ayaa lagu yiri bayaankiisa “Taiwan-ta dimoqraadiga ihi waa awood u taagan nabadda iyo xasilloonida gobolka.” ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media