”Danteennu kuma jirto!” – Dal NATO ka tirsan oo diidey inuu hub siiyo Ukraine xilli cunaqabatayntii ay Galbeedku soo rogeen ay iyaga saamaysay

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2022 – RW Hungary ee Viktor Orban ayaa shalay sheegay in uu dareensan yahay inaan lagu tashan karin taageerada NATO oo uu dalkiisu xubin ka yahay marka ay timaado tillaabada runta ah ee ammaanka dalkiisa.

NATO waxay na ilaalin doontaa marka aann is difaaci karno annagu. Qof kasta oo ay la tahay in NATO ay na difaacayso waa khaldan yahay,” ayuu yiri mar uu waraysi siiyey idaacadda Kossuth.

Orban ayaa ammaanay in Hungary ay ku guulaysatey inay dib u habayn ku samayso ciidankeeda wixii ka dambeeyey 2010-kii islamarkaana ay awooddo inay is daafacdo, balse wuxuu weli rumaysan yahay in dalkiisu uu ka fogaado dagaal maadaama buu yiri aysan“howsha Hungary ahayn inay kala hufto siyaasadda adduunka.”

Orban oo tibaaxay in muhiimaddoodu tahay difaaca danaha dalkiisa ayaa sidoo kale aad u dhaliilay cunaqabataynta reer Galbeedku lasoo degdegeen oo uu ku tilmaamay “halis dhaqaale oo deg deg ah & middi laba af leh” oo durba saamaysay dalkiisa oo uu sicirka tamarku cirka isku shareeray.

Hungry ayaa sidoo kale diiddey inay hub siiso Ukraine iyadoo ballanqaadday gargaar aadminnimo oo ay gaynayso galbeedka dalkaasi iyo in ay martigelinayso qaxootiga Ukraine muddo 3 bilood ah kaddibna ay shaqaystaan.

Hadalsame Media