Sweden & Finland oo garowsaday inay cidlo taagan yihiin kaddib wixii Ukraine ku dhacay (Soo jeedin cusub)

0
Press conference with NATO Secretary General Jens Stoltenberg, the Minister for Foreign Affairs of Finland, Pekka Haavisto and the Minister for Foreign Affairs of Sweden, Ann Linde

(Stockholm) 05 Maarso 2022 – Abaanduulkii hore ee Ciidamada Xoogga Sweden, Owe Wiktorin, ayaa soo jeediyey hindise ah in Sweden & Finland ay toos ugu biiraan NATO oo ay haatan wada shaqayn la leeyihiin.

Maqaal dheer oo uu Wiktorin ku xarriiqay warqaadka Svenska Dagbladet ayuu ku xusay inn duullaanka Ukraine uu muujinayo in wada shaqaynta ay Sweden la leedahay NATO haatan aanu bixinaynin damaanadda ammaan iyo taageerada la heli karo markii xubin laga yahay gaashaanbuurtan.

”Marka ay Sweden & Finland galaan NATO waxay hannaan gaashaandhig oo wadajir ah la qorshayn karaan xubnaha kale, waxayna aad sare ugu qaadi karaan muggooda difaac.” ayuu qoray Wiktorin.

Yeelkeede, Ruushka ayaa beri dhowayd si cad uga jawaabey inay Finland oo isaga xad la lihi ku biirto NATO oo ay sidaa kula heshiiyeen 1990-kii kaddib burburkii Soofiyeetka.

“Finland oo ku biirta @NATO waxay yeelan doontaa cawaaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasadeed.” Ayay soo qortay Maria Vladimirovna Zakharova, Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Ruushka, oo ka jawaabaysey war kasoo baxay RW Finland oo sheegtay in dalkeedu ka baaraandegayo ku biirista NATO, haddii ay ammaanka qarankooda daruuri u noqoto.

Sweden lafteeda ayay Ruushku diidmo ka muujiyeen inay ku biirto NATO waloow aysan iyadu xad toos ah la lahayn dhulwaynaha Ruushkanka, iyadoo ku jawaabtey inay geli doonto haddii ay danteeda u aragto.

Dalalka NATO ayaa waloow ay iyagu ka dambeeyaan sababta dagaalka Ukraine aan misna u gurmanin maadaama aanu ururka haatan xubin ka ahayn, taasoo uu xitaa ka xumaaday MW dalkaasi.

Hadalsame Media