Clarence Seedorf oo sharraxay waxa ku dhaliyey qaadashada Islaamka & arrin aanu bedeli doonin

0

(Dubai) 05 Maarso 2022 – Laacibkii hore ee kooxaha Real Madrid & AC Milan ee Clarence Seedorf ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay Diinta Islaamka.

Seedorf oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa khabarkan ku faahfaahiyey boggiisa Instagram isagoo ka dhawaajiyey in aanu magaciisa bedeli doonin.

Seedorf waxa uu qaadashada diinta Islaamka ka yiri ereyadan: “Waxa aan mahad gaar ah ka celinayaa dhammaan farriimaha quruxda badan ee aad ii soo dirteen si aan ugu dabaaldego soo gelitaanka qoyskayga Muslimka ah, aad ayaan ugu faraxsan ahay inaan ku biiro dhammaan walaalaha caalamka, gaar ahaan waxaa mahadsan gacaliso Sofiya oo i bartay micnaha Islaamka si qoto dheer.”

Laacibkii hore ee Holland ayaa si kastaba ha ahaatee doonayay inuu caddeeyo inuusan magaciisa bedeli doonin:

“Waxaan sii wadi doonaa isticmaalka magaca ay i siiyeen waalidkey ee Clarence Seedorf! Waxaan dhammaan jacaylkayga u dirayaa qof walba” ayuu raaciyey.

Si kastaba, magac bedelidda ayaan khasab ahayn haddii aanu ka tarjumaynin wax caasinaya Ilaahayn.

Hadalsame Media