“Waxa naloo dilayaa waa daciifnimadiinna!” – Ukraine oo furka ku xoortay NATO hal arrinna kashiftay (Heshiis ay ka baxayso)

0
Ambassador Nataliia Galibarenko, Head of Mission of Ukraine to NATO and Ludwig Decamps, General Manager NATO Communications and Information Agency renew Memorandum of Agreement to collaborate on technology-related projects.

(Kyiv) 05 Maarso 2022 – MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky ayaa weerar caraysan ku qaaday Gaashaanbuurta NATO, kaddib markii ay ka diideen samaynta mandiqad duullimaadka ka caaggan oo dalkiisa laga sameeyo.

“NATO kas ayay u keentay doodda ah in arrintani ka caraysiinayso Ruushka oo ay sheegeen inuu iyaga toos u weerarayo markaas,” ayuu yiri Zelensky oo muuqaal uu soo duubay ku canaanta NATO oo uu sheegay “in dadku ay dartood u dhimanayaan.”

Wuxuu sidoo kale xusay in Gaashaanbuurta NATO aanay wax kaalmo ah oo micne leh keenin marka laga reebo shidaal yar oo nafto ah oo 50 tan ah, tiiyoo dalkiisa horay loo siiyey maqaam ah “jaal gaar ah” oo la olog ah NATO oo haatan caddaysay inaysan difaacayn Ukraine.

Zelensky ayaa deeto jeediyey hanjabaad uu yara sogordahay oo ku aaddan inay hadda kaddib samayn doonaan hubna nukliyeerka.

“Sida dhici karta waanu gubi doonnaa waraaqaha Budapest Memorandum. Waayo waxay gubteen markii uu soo dhacay gantaalka ciidamada Ruushku.” ayuu yiri isagoo ka hadlayey heshiiskii 1994-kii hubka nukliyeerka looga dhigay dalkiisa.

Waxaa sidoo kale NATO si aad ah u qawaday Wasiir Dibadeedka Ukraine ee Kuleba, oo ku dooday in duullaanka Ruushku uu bannaanka soo dhigay “daciifnimada NATO.”

“Dagaalka kahor, dadka reer Ukraine waxay qabeen in EU ay daciif tahay oo ay NATO xooggan tahay balse hadda waa cagsi oo EU waxay xitaa aqbashay musharraxnimada Ukraine. ayuu Kuleba ku yiri 1+1 TV, waloow qaraarka uu meel mariyey Baarlamanka EU aanu micne wayn lahayn oo go’aanka uu gaaro Komishanka EU oo u baahan in shuruudo badan laga soo boxo.

Hadalsame Media