Somalia oo asxaan dadban u samaysay Ruushka (Arag waxa ay samaysay?)

0
The United Nations Human Rights Council in Geneva, seen earlier this year during a presentation on the conflict in Syria. On Tuesday, Secretary of State Mike Pompeo and Ambassador Nikki Haley announced that the U.S. will be withdrawing from the council.

(Geneva) 02 Maarso 2022 – Kalfadhiga 49-aad Golaha Xuquuqul Insaanka QM ayaa Geneva ku leh kulan lagu eegayo “xaaladda xuquuqul insaanka Ukraine”.

Somalia oo ka mid ah dalalka ku jira Golahan ayaase u gooyey kulankan sida ka muuqata liiska xaadirinta oo aannu helnay.

Xubnaha jooga ayaa berri oo ay bishan Maarso 3 tahay laga filayaa inay soo saaraan qaraar qabyo ah oo lagu cambaareeynayo Ruushanka oo weerar ku ekeeyey Ukraine.

Dalal uu Maraykanku ugu horreeyo ayaa soo jeediyey in Ruushka laga eryo Golaha Xuquuqda Aadanaha QM.

Waxaa sidoo kale kulankan ka maqnaaday dalal kale oo ay Hindiya ka mid tahay adigoo hoos ka arki kara dalalka jooga iyo kuwa gooyey.

Qaraar kasta ayaa u baahan 3 meelood iyo hal meel ka mid ah 47-da xubnood oo shuruud ah in kulanka loo fariisto.

Hadalsame Media