Laacibiin reer Ukraine ah oo ku dhintay duullaanka Ruushka & magacyadooda + Sawirro

0

(Kiev) 02 Maarso 2022 – Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee dagaalka Ukraine oo haatan galay todobaadkii 1-aad.

Waxaa dhibaatooyinku ay saamaeeyeen dhinac kasta xitaa da’yartii ciyaaraha oo ay qaarkood kuba dhinteen dagaalka oo ay galeen.

Ilaa hadda 2 ciyaaryahan oo ka tisanaa kooxaha Horyaalka Ukraine ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Goolhaye Vitalii Sapylo (21 jir ahaa ), iyo weeraryahanka gooldhaliyaha ahaa oo lagu magacaabi jiray Dmytro Martynenko (25 jir ahaa ).

Waxaa la xaqiijiyay in la diley iyagoo ka dhinac dagaallamaya Ciidamada dalkooda Ukraine.

Tiro badan oo ah ciyaartoyda reer Ukraine ayaa ka qaybgelaya dagaalka difaaca dadkooda iyo dalkooda, sida ay u dhigeen.

Hadalsame Media