Somalia oo qaadatay go’aan ka dhan ah dalka Ruushka

0

(New York) 02 Maarso 2022 – Dowladaha Soomaaliya iy Jabuuti ayaa ka mid ahaa 141 waddan oo ka tirsan dunida oo u codeeyey qaraar cambaarayna duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Cod-bixinta ayaa maanta dhacday xilli uu kulan khaas ah yeeshay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee qaraarkaasi taageeray waxaa ka mid ah Mareykanka, waddamada Midowga Yurub iyo kuwo kale oo ka tirsan qaaradda Asia.

Qaraarka waxaa ka soo horjeestay shan waddan oo kala ah Ruushka, Eritrea, Syria, Waqooyiga Kuuriya iyo Belarus.

Sidoo kale waxaa ka aamusaya 35 waddan.

Qaraarka ayaa ku baaqaya in dowladda Ruushku ay joojiso gulufka milatari ee dalka Ukraine ay ka waddo, islamarkaana ay ciidamadeeda kala baxdo dalkaasi, sida ay tebisay wakaaladda wararka eee Associated Press.

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii codka qayyaxan ee veto saartay qaraar kan la mid ah oo la horkeenay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Isha: VOA Somali

Hadalsame Media