Twitter oo isaga oo weliba qiraya misna fasaxay farriin Muslim nacayb ah oo ay faafinayaan Ciidamada Ukraine (Daawo)

0

(Kiev) 01 Maarso 2022 – Ciidamada Ilaalada Qaranka Ukraine ayaa dood dhaliyey kaddib markii ay faafiyeen muuqaal gef ku ah Muslimiinta, waxaana ugu darnaa Twitter oo waloow uu markii dambe qiray in farriintani nacayb siddo aan misna la tuuri doonin.

Muuqaalka ayaa muujinaya askari xayr doofaar marinaya rasaas kahor intii aanu khasnadda ku celin isagoo sheegaya inuu ku dhufan doono Muslimiinta la socota Ciidamada Ruushka.

Ninkan, oo la sheegayo inuu ka tirsan kooxaha cunsuriga ah ee midigta fog ee loo yaqaan Waddaniyiinta Azov Battalion, isagoo doofaarka ku xumaynaya Muslimiinta oo u arka inuu xaaraan yahay, halka uu isagu sheegay in Muslimkii lagu dhufto oo lagu dilo rasaas noocaas ah in aanu Jannada gelaynin, sida uu qabo.

Muuqaalkan gaaban ayaa la dhigay bogga rasmigaah ee Ukrainian National Guard, waxaana la maqlayaa askariga oo ku qaylinaya: “Saaxibbada Muslimka ah, dalkeenna inaad janno ku gashaan la idinka ogolaan ma doono.” Waloow uu xirtey maasgare si aan foolkiisa loo aqoonsan.

Hanjabaaddan ayaa ku jeedda Ciidamada loo yaqaan “Kadyrov orcs,” oo ka socda Jamhuuriyadda Chechnya ee koonfurta Ruushka, kuwaasoo lagu yaqaa geesinnimadooda iyo dagaalyahannimadooda. Hoos ka daawo kolonyadooda.

In rasaas inta dufan doofaar lagu daro oo Muslimiinta loogu gooddiyo ma aha wax Ukraine curisay. Shirkad saldhigata Gobolka Idaho ee Maraykanka ayaa 2013 cinwaanno ku samaysay inay askarta Maraykanka u samaynayso rasaas noocan ah si ay ugula dagaallamaan wax ay ku sheegtay ”argagixisada Islaamka.”

Waxaa kale oo jirta saliidda qoryaha lagu sifeeyo oo ka samaysan 13% duxda doofaarka, iyadoo ay xitaa jirto ku-tiri-kuteen sheegaysa in ciidamadii Navy SEAL ee sheegay inay dileen Osama Bin Laden ay adeegsadeen.

Tillaabadan dambe ayaa lagu tilmaamay mid Islaam nacayb ah (Islamophobia), iyadoo ay la yaab tahay laba-wejiilaynta Twitter-ka oo la hubo inuu kun raalligelinood soo saari lahaa haddii ay arrintani ka dhan tahay Yuhuudda iwm.

Hadalsame Media