Dagaalka Ukraine oo koox wayn oo hartay dib ugu soo celin kara Europa League (Waa kooxdee?)

0

(Nyon) 01 Maarso 2022 – UEFA ayaa kooxaha iyo xulka Ruushka ka cayrisey tartamada ay qabato taasoo saamayn karta Spartak Moscow oo laga tuuri karo Europa League, sida ay sheegtay kooxda ay wajihi lahayd ee RB Leipzig.

Naadigan Jarmanka ah ayaa Spartak lugta 1-aad ee wareegga 16 gurigeeda kula ciyaari lahayd Maarso 10, halka lugta 2-aad lagu dheeli lahaa garoon 3-aad todobaad kaddib.

Agaasimaha Guud ee Leipsig, Oliver Mintzlaff, ayaa soo jeediyey inuu ku qanacsan yahay go’aanka UEFA ee ah in la “kansalo kulamada kooxaha Ruushka,” balse waxaa soconaya doodo ku saabsan in naadigan oo nus-dhamaadka Champions League gaarey 2020, uu toos usoo bixi karo iyo in lagu aadinayo koox horay u hartay.

Waxaana arrintaa ka ducayn karta kooxda SSC Napoli oo ay Spartak iskula jireen Group C oo ay sidoo kale kula midaysnaayeen Leicester City, iyo Legia Warsaw.

Napoli oo kaalinta 2-aad uga soo baxday guruubkasi ayaa waxaa isugayn dhan 5-3 ku reebtay kooxda FC Barcelona waxaana dhici karta inay iyadu wajahdo Leipzig.

Hadalsame Media