”Madaxda Somalia xitaa nama siinin fursad aan ku cabanno!” – Kenya oo la yaabtay tillaabo ay qaadday DF

0

(Nairobi) 01 Maarso 2022 – Febraayo 19, Wasiirka Batroolka DF Somalia, Inj Cabdirashiid Axmed ayaa ku dhawaaqay inuu 7 heshiis la galay shirkadda Coastline Exploration, oo saldhigata Houston, Texas, balse hoggaanka Somalia ayaa markiiba ku dhawaaqay in heshiiskaa aanay waxba ka jirin.

Haatanse EastAfrican ayaa qorayey in Kenya ay sidoo kale sheegayso inay tillaabada Somalia ka “walaacsan tahay” iyadoo ku doodaysa in Somalia ay sahminayso aagag lagu ”muransan yahay”, sida ay tiri.

“Nama cabsi gelinays. Balse way na walaacinaysaa. Si dhow oo taxadar leh ayaana ula soconnaa shirkadahaas,” ayaa laga soo xigtey ilo ku dhow Dowladda Kenya oo is qarinaya.

Saraakiisha Kenyan-ka ah ayaa ku doodaya in hoggaanka Somalia uu heshiiska ka laabtay sidaa darteed aysan Kenya helin xitaa waqti ay kusoo gudbiso cabashadeeda ka dhanka ah Muqdisho, balse waxay ku doodaysaa in aan qandaraas laga geli karin wax ay ku sheegtay ”khayraad la isku haysto.”

Kenya ayaa markii ay sheegatay dhul-badeedka Somalia waxaa lala tiigsadey Maxkamadda ICJ Agoosto 2014, balse bishii Oktoobar 2021 ayaa dhulkaa intiisa badan loo xugmiyey Somalia, waloow ay Kenya diiddey go’aankaasi.

Hadalsame Media