Maraykanka oo ku wareersan waxa uu damacsan yahay Putin & dacaayad halis ah oo ay ka faafinayaan

0

(Hadalsame) 01 Maarso 2022 – Duullaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine ayaa keenay in ay reeg Galbeedku si wayn uga soo horjeestaan, iyadoo ay dad khubaro ah iyo siyaasiyiin Maraykan ihi ay dood ka keeneen saaxinnimada dhimirka MW Vladimir Putin.

Waxaa dadkaa ka mid ah Wasiir Dibadeedkii hore ee Maraykanka, Condoleezza Rice, oo lasoo shaqaysay MW George W. Bush, taasoo dhaqanka Putin ku tilmaantay “mid aan fadhin.”

“Waxaan la kulmay marar badan, kanina waa Putin ka duwan midkii aan aqaanney. Wuxuuahaan jirey nin miisaaman oo xisaabtama, haddase uma muuqdo nin fadhiya,” ayay ku tiri Fox News Sunday.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka, Jim Clapper, ayaa isna ka dhawaajiyey “in uu Putin u arko qof qac ah, isagoo walaac ka muujiyey sida saaxinnimada maqalkiisa iyo araggiisa,” sida uu yiri.

Sarkaal sare ammaanka kala talin jirey MW hore ee Donald Trump, oo codsaday in aan la magacaabin ayaa isna sheegay in markii uu Putin bishii hore la kulmay MW Faransiiska ee Emmanuel Macron, uu u muuqday nin “qoonsi ku jiro (paranoid)” islamarkaana “aan doonayn inuu si waaqici ah u fikiro ama wax dhegeysto”, isagoo xitaa diidey inay isu dhowaadaan isaga iyo Macron.

MW Czech ee Milos Zeman, oo muddo dheer saaxiib dhow la ahaa MW Ruushka ayaa todobaadkan Putin ku tilmaamay “nin waalan” kaddib markii uu ku duuley Ukraine, sida uu sheegayo The Guardian.

Yeelkeede, aragtidan la iskuma raacsana, tusaale ahaan, Rebekah Koffler, oo horay sarkaal uga noqotay Sirdoonka DIA oo ah Hay’adda Sirdoonka Millateriga Maraykanka, islamarkaana qortay buugga “Putin’s Playbook: Russia’s Secret Plan to Defeat America,” ayaa waxay isla Fox News Digital u sheegtay in Putin uusan waallayn.

“Putin gebi ahaanba ma waalna. Hadaladan oo dhan waxay ugu yeedhayaan inuu waalan yahay, waxay la macno tahay in aynaan wali si dhab ah u fahmin Putin. “Ma ahan khayaali, mana jiraan cillado maskaxeed oo haya. Putin waa dhiig-qaboobe aan qoslin, noocii uu ahaan lahaa hoggaamiye Ruush ah, waana halis-qaate xisaabtama. Waxa uuna si fudud u fulinayaa qorshe uu soo waday 20 sanadood.” ayay tiri Koffler.

Koffler ayaa hadalka ah in Putin lagu tilmaamo nin waalan ku macnaysay mid uu Maraykanku ku qarinayo fashilka ka raacay inuu sii saadaaliyo ama hadda qiimeeyo damaca Putin iyo aragtidiisa.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media