Dood KULUL oo ku saabsan sida loo kala qaabiley qaxootiga Muslimiinta & Ukraine oo bilaabatay (Arag fal-celinta)

0

(Hadalsame) 27 Feb 2022 – Kaddib markii ay soo bexeen sawirro muujinaya qaxooti boqollaal kun ah oo loo fasaxay inay ka gudbaad xadadka dalalka deriska la ah Ukraine sida Poland, Romania iwm, iyadoo ay EU soo saartay in aan wax fiise ah laga doonaynin islamarkaana loo diyaarinayo goobo lagu qaabilo ayaa waxaa ka dhalatay dood ku saabsan laba-wajiilaynta Galbeedka.

Mona Al-Nagar ayaa maqaal dheer oo ay ku daabacday New York Times aad ugu qaadaa dhigtay sida galbeedku ay dhowr 10-sanaale ula dhaqmayeen qaxootiga Syria, Ciraaq, Libya iyo Yemen waxaana haatan ay dood kululi ka socotaa baraha bulshada, iyadoo aad loo dhaliilayo sida Galbeedku ay u burburiyaan dalalkan kaddibna il shakisan ugu eegaan qaxootigooda iyadoo qaxootigii Suuriyaanka u badnaa ee 2015-16 kusoo jabay Yurub cunfi iyo xoog lagala hor tegey inta badanna silig lagu ooday xadadkii iska furnaa ee Yurub, waloow milyan ka badan la qaabiley.

Hal tusaale oo nool waa sida ay Ciidamada Ammaanka Polish-ku ula dhaqmayeen qaxooti ka yimid Bariga Dhexe iyo Afghanistan oo lala dhacay budad laguna xannibay xadka.

Taa cagsigeeda, qaxootiga Ukraine waxaa xadadka Poland loogu diyaariyey cunto, gawaari waxaana lagu sooray dhoollacadayn, cabitaanno kulul iyo gaadiid u qaada saldhigyada tareennada.

Xitaa waxaan isku mid ahayn qaabka ay dagaalka uga soo warramayso warbaahinta Galbeedka oo si cad u muujinaysa in ay Ukraine u arkaan ”insaan”, halka dagaalladii ay ka wadeen ama ku burburinayeen dunida Muslimku aysan ula muuqanin kuwo leh xuquuq aadmi oo la mid ah midda ay istaahilaan reer Ukraine, sida ka muuqata hadalka weriyahan, sidoo kalena lagu arkay hilinno kale oo uu mid Faransiis yahay.

Ayman Mohyeldin, oo ah Masar-Maraykan soo saare ka ah hilinka MSNBC oo ay kumannaan ku raacaan baraha bulshada ayaa Twitter ku qoray, “Marka ma waxaad i leedihiin Yurub baa taqaan sida si naxariis leh loogu soo dhoweeyo qulqul deg deg ah oo ah qaxooti dagaal ka baxsanaya?”

Si kastaba, dad badan oo Carbeed oo arrintan ka falceliyey ayaa qaarkood lagu wargeliyey inay eedda 1-aad saaraan dalalka hodonka ah ee Muslimka ah, iyadoo tusaale ahaan bishii Agoosto ee sanadkii tegey dalka Qadar oo kaliya ogolaaday in lasii marsiiyo in yar oo ka mid ah qaxootigii Afghanistan aysan xitaa si wanaagsan ula dhaqmin intii yarayd ee ay ku hakadeen dalkaasi, halka aanu jirin hal dal oo Khaliijka ka mid ah oo qaabiley qaxootiga Carbeed iskaba daa Muslimiin kale e.

Dalka Poland, gawaari ilaa ili ku miriqday safan oo la doonayo in lagu qaado qaxootiga Ukraine
Isla Poland cuntooyin loosii diyaarinayo qaxootiga ka imanaya Ukraine

Hadalsame Media