Ukraine oo durba heshay adeegga dhanka hawada sare ee loo yaqaan Starlink (Muxuu yahay?)

0

(Kiev) 27 Feb 2022Elon Musk ayaa kasoo jawaabey baaq ka yimid RW Xigeenka Ukraine oo maalqabeenkan ka codsaday inuu dalkan ku caawiyo khad internet ah.

”@elonmusk, xilli aad isku dayayso inaad degaamaysato MarsRuushku waxay hollinayaan inay qabsadaan Ukraine! Halka ay gantaalahaagu ka imanayaan hawada sare — Gantaalaha Ruushku waxay weerarayaan shacabka reer Ukraine! Waxaannu ku waydiisanaynaa inaad noo samaysto saldhigyo Starlink.’ ayuu yiri RW Mykhailo Fedorov.

Haatan baaqiisa waa laga soo jawaabey oo Musk wuxuu sheegay in halkaa loo diray dayax-gacmeedkii ugu horreeyey ee wada adeega Starlink oo ah raxan dayax-gacmeedyo ah oo falagga hoose duulaya, isagoo sheegay inay terminaallo kalena jidka kusoo jiraan.

Starlink waa nidaam hawada sare saldhigta oo ka tirsan SpaceX kaasoo la dhisayey sanado badan si uu internet-ka u gaarsiiyo meel kasta oo dunida ah.

Yeelkeede, Fedorov ayaa Facebook, Instagram, YouTube, Netflix iyo Google ugu baaqay inay xannibaan koontooyinka Ruushka ama wixii la xiriira, taasoo ay sameeyeen qaarkood.

Internet-ka ayaa ka mid ah kaabayaasha ay dhibaatadu kasoo gaartey duullaanka lagu qaaday dalkaasi Ukraine.

Hadalsame Media