Turkiga oo is bedeley islamarkaana adeegsadey tibix keeni karta inuu Ruushka ka xiro marinnadiisa (Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Ukraine)

0

(Ankara) 27 Feb 2022 – Turkey ayaa duullaanka Ruushka ee Ukraine “dagaal ku tilmaamay” kaasoo isbedel ku dhacay fan-hadalka siyaasadeed ee dalkaasi, keenina karta in uu Turkigu xiro marinnada uu Ruushku ka galo badaha Mediterranean iyo Black Sea.

Sida ku cad Heshiiskii 1936 Montreux Convention, Turkey oo gacanta ku haya marinnada Dardanelles iyo Bosphorus Straits oo isku xira badaha Madow iyo midda Cad ama Dhexe, waxay xiri karaan marinnadaasi xilliyada dagaalka ama haddii loo hanjabo.

Ankara oo isu miisaamaysa xiriirka kala dhexeeya Galbeedka iyo Moscow, ayaa horay duullaanka Ruushka ugu tilmaantay mid aan la aqbali karin, balse dagaal kuma tilmaamin tillaabada Putin, taasoo hadda is bedeshey.

“Maalintii 4-aad ee dagaalka Ukraine, waxaan ku celinaynaa baaqii MW [Recep Tayyip] Erdogan ee ahaa in si dhaqse ah loo joojiyo weerarka Ruushka lana bilaabo wada hadallo.” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga ee Ibrahim Kalin.

Kyiv ayaa horay ugu baaqday Ankara inay maraakiibta Ruushka ka xiraan marinnadan oo ay midkood Ruushku uga soo duuleen xeebaha koonfureed ee Ukraine.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka:

  • Ciidamada Ruushanka ayaa galay magaalada 2-aad ee ugu wayn Ukraine ee Kharkiv, halkaasoo ay jidadka ka socdaan dagaallo bisadeed aan waxba la isu reeban.
  • MW Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay Ukraine diyaar u tahay wada hadallo nabadeed, balse aanu tegeynin halka ay Moscow doorbidayso ee Belarus.
  • Waxaa la duqeeyey kaydka saliidda iyo gaaska Ukraine, taasoo haatan holeceeda laga arkayo caasimadda, Kyiv.
  • Awoodaha Galbeedka ayaa cunaqabataynno kala duwan saaraya Moscow, iyagoo hub kala duwan u diraya dalkaasi Ukraine.

Hadalsame Media