Shiinaha oo meel aanu filayn ka qaniiney Ruushka & sababta ku khasabtay

0

(Beijing) 26 Feb 2022 – Hay’adaha maaliyadeed ee ugu waawayn Shiinaha ayaa lagu soo waramayaa inay xaddidayaan maalgelinta ay ku iibsanayaan alaabada ceyriinka ee Ruushka kaddib hanjabaad cunaqabatayneed oo uga imanaysa Maraykanka iyo xulafadiisa oo ka xun hawlgalka millateri ee Ukraine, sida uu qorayo RT oo Ruushku leeyahay.

Tallaabadan, oo laga yaabo inay noqoto mid ku meel gaar ah, ayaa waxaa qaaday ugu yaraan laba ka mid ah bangiyada ugu waawayn Shiinaha ee ay dawladdu maamusho, sida ICBC iyo Bank of China, kuwaas oo halis wayn ugu jira cunaqabatayn labaad oo ka timaada Washington, wakaaladda wararka ee Bloomberg ayaa Sabtidii werisay, iyadoo soo xiganaysa ilo aan la carrabaabin.

ICBC, oo ah bangiga ugu wayn adduunka dhanka hantida, iyo Bank of China, oo ah bangiga ugu wayn ee ganacsiga lacagta, ayaa ka cabsanaya inay lumin karaan helitaanka doollarka, maadaama maalgelinta iibka badeecooyinka Ruushka laga yaabo in loo arko inay tahay taageerada Moscow.

Warkani waxa uu imanayaa iyada oo ay jirto jahawareer juquraafi siyaasadeed kaddib markii Ruushku bilaabay “hawlgal millateri oo gaar ah” oo ku fooggan Donbass subaxnimadii Khamiistii, codsi ka yimid Donetsk (DPR) iyo Lugansk (LPR) ee gobolkaa la tirsan balse uu Isniintii Ruushku sheegay inuu u aqoonsan yahay Jamhuuriyado madaxbannaan, taasoo ay aad uga xumaatay Kiev oo lafteeda weerar lagu hayo iminka.

Sanadihii la soo dhaafay, Shiinuhu wuxuu kordhiyey iibsashada badeecooyinka Ruushka, iyadoo ku dhawaad 30% saliidda iyo gaaska uu hadda isticmaasho dhaqaalaha labaad ee ugu wayn adduunka oo ah Shiinaha ay ka yimaadaan Ruushka, iyadoo Shiinaha oo ka aamusay codayntii Golaha Ammaanku aanu doonayn inuu la kulmo cuquubaad uga yimaada taageerada Ruushka oo aanu laftiisa doonayn inuu lumiyo.

Hadalsame Media