MW Ukraine oo sheegay inuu Turkigu Ruushka ka xirey marinka Bosphorus (Maxaa ka jira maxaase ku hoos jira?)

0

(Ankara) 26 Feb 2022 – Saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta dunida ayay qaarkood bilaabeen inay tebiyaan in Turkigu uu xirey marinnada Dardanelles iyo Bosphorus oo aanay mari karin maraakiibta Ruushku.

Yeelkeede, Wakaaladda Wararka afka dheer ee Reuters oo ku tiri kuteentan kala hadashay saraakiil Turkish ah ayaa xaqiijisay inaysan waxba ka jirin warkan.

MW Ukraine, Volodymyr Oleksandrovytj Zelenskyj, ayaa Twitter kusoo qoray war u dhignaa inuu MW Erdogan uga mahadcelinayo kaalmo uu dalkiisa gaarsiiyey iyo xiritaanka marinnadan, taasoo warkan kicisay.

Yeelkeede, waxaa muuqata in MW Ukraine uu doonayo inuu ka dhex kalluumaysto Turkiga iyo Ruushka, sidoo kale maadaama uu Turkigu xubin ka yahay NATO waxa ay arrintu adkaanaysaa haddii ay reer Galbeedku ay MW Tayyip Erdogan ku cadaadiyaan inuu marinnadan xiro, taasoo dhabarjab ku noqonaysa Ruushka oo dhankan uun kasoo gala biyaha diirran ee dunida, haddii kale ku khasbanaanaya inuu noqdo wax aan bad xiran waxba dhaamin.

Hadalsame Media