Faransiiska oo qabsaday markab uu Ruushku leeyahay & halka lagu hayo

0

(Boulogne-sur-Mer) 26 Feb 2022 – Markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa lagu qabtay hilin biyoodka English Channel iyadoo mas’uuliyiinta Faransiisku ku eedeeyeen in uu ku xad-gudbay cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo rogeen Ruushka kaddib weerarkii ciidamada Moscow ay ku qaadeen Ukraine.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Rouen, ayaa ku sii jeedey magaalada St. Petersburg, waxaana loo jiheeyay dhinaca dekedda Boulogne-sur-Mer ee waqooyiga Faransiiska subaxnimadii hore ee Sabtigan.

Xafiiska warfaafinta ee Maamulka kannaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in markabka “si adag looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay danaha Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday cunaqabateynta EU.”

Sida laga soo xigtay bayaanka, intii lagu guda jiray roonada joogtada ah ee kannaalka, booliisku “waxay fuuleen markabka Ruushka, kormeer ayaana la sameeyay waxaana doonta lagu amray inay ku laabato dekedda Faransiiska” si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.

Safaaradda Ruushka ee Faransiiska ayaa xaqiijisay xarigga markabka. “26-kii Febraayo 07:00 ee dhul-badeedka Faransiiska ee u dhow magaalada Boulogne-sur-Mer, markab xamuul ah oo Ruushka oo la yiraahdo ‘Baltic Leader’ ayaa la xiray.

Shaqaalaha saarani waa 19 qof, ” wakiilka ergada diblamaasiyadeed ee Ruushka ayaa u sheegay RIA Novosti in SafaaraddU ay qorsheyneyso inay warqad cabasho ah u diraan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faransiiska iyo inay qaado tillaabooyin lagu ilaalinayo shaqaalaha markabka.

Hadalsame Media