Kiev oo duqaymo loo gaystey & khasaare loo gaystey Ruushka (Goorma ayaa Kiev ugu dambaysey duqayn noocan ah?)

0

(Kyiv) 25 Feb 2022 – Wasiir Dibadeedka Ukraine ee Dmytro Kuleba ayaa aad u cambaareeyey “weerar cabsi leh” oo ruxay caasimadda Kyiv.

“Markii ugu dambaysey ee ay caasimadeennu soo marto wax sidan oo kale ah waa 1941-kii markii uu Naasigu soo weeraray Kyiv.” ayuu yiri Kuleba.

Ciidamada Ukraine ayaa dhanka kale soo ridey dayuurad ay Ruushku leeyihiin oo duqayn ka gaysatey Kyiv, sida uu sheegay Anton Herashchenko, oo la taliye ka ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ukraine.

Ma cadda nooca dayuuraddan balse waxaa la sheegayaa inay ku dul burburtay guri 9 dabaq ah oo uu deeto dab qabsaday, sida uu Herashchenko ku qoray Telegram.

Qaraxyo badan ayaa saaka laga maqlay caasimadda walow ay ciidamada Ukraine sheegayaan in qaraxyada ay qayb ka yihiin rasaas ay ku difaacayeen dayuuraddan ay soo rideen.

Hadalsame Media