Diyaaradaha dagaalka Shiinaha oo soo galay hawada Taiwan (Nooca ay yihiin?)

0

(Taipei) 25 Feb 2022 – Taiwan, oo ay China u aragto gobol ka mid ah ayaa sheegtay inay kicisay miigageeda kaddib markii ay hawadeeda soo galeen dayuuradaha Shiinaha.

Taiwan ayaa sheegtay inay hawadeeda soo galeen 8 dayuuradood oo ah nooca Shiinaha ee J-16 iyo hal xabbo oo sahan ah oo ah nooca Y-8, kuwaasoo dul haadey jasiiradaha ay  Taiwan ka taliso ee Pratas Islands oo dhaca qaybta sare ee Badda South China Sea.

Ciidanka Cirka Taiwan ayaa kiciyey dhowr miig iyagoo digniin siiyey sagaalkan dayuuradood oo hawadooda soo galay shalay casirkii oo ah isla maalintii uu Ruushku ku duuley Ukraine.

Markii ugu dambaysey ee ay Shiinuhu galaan hawada Taiwan waxay ahayd 23-kii Jannaayo oo ay soo galeen 39 dayuuradood oo dagaal.

Hadalsame Media