Nin loo haysto dilka imaamkii Soomaaliga ahaa oo lasoo qabtay (Tafaasiil laga bixiyey qaabkii dilku u dhacay & sida ninkan loogu tuhmey + Sawirkiisa)

0

(Columbus) 25 Feb 2022 – Nin ayaa ayaa loo xirey tuhun la xiriira dilka imaam Soomaali ahe oo dhamaadkii Diseembar maydkiisa laga helay South Linden.

John W. Wooden Jr., ayaa ku eedaysan dilka Imaam Mohamed Hassan Adam, 48-jir, sida ku xusan dokumentiyada maxkamadda.

Aadam ayaa isaga oo ay rasaasi ku taallo la helay 2 maalmood kaddib markii booliiska lagu wargeliyey inuu maqan yahay.

Waxaa imaamka la toogtey ilaa 4 jeer oo looga dhuftay madaxa, qoorta, dhanka bidix ee hoose iyo cajirka.

Maydkiisa ayaa laga helay isagoo dhex yaalla gaari jaalle ah oo ah GMC van meel u dhow Windsor iyo Joyce Avenues.

Ninka la xirey ee Wooden Jr., oo gurigiisa looga soo xirey barwo rasmi ah ayaa markii la baaray laga helay rasaas ay is leeyihiin fuuqyadii laga helay goobta lagu khaarajiyey imaamka, isagoo haatan ku xiran jeelka Franklin County Jail.

Waxaa dokumentiyada maxkamadda ka muuqda in ninkani yahay dembiile hore isagoo xirnaa 204 bilood lana soo daayey Maarso 2021 isagoo dilkan lagu haysto gaystey isla dabayaaqadii sanadkaas gaar ahaan 24-kii Diseembar.

Hadalsame Media