Ukraine oo eedday arrin ay hadda Somalia aad u samayso (Casharka cibrada ah ee ku jira)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2022 – Ukraine cashar baa noogu jira haddaan Soomaali nahay.

1. Dalkaas dhan waxa uu eersaday in uu daris la yahay dal ka weyn oo ka dad iyo ciidan badan, hadana aan la hayn dekedo la isku hallayn karo oo shaqeyan karta sanadkoo idil.

Dalka Ruushka dekedaha uu leeyahay baraf ayay noqdaan bilo badan oo ka mid ah sanadka, qaarna waa yaryar yihiin oo maraakiibtu kuma soo xiran karto.

2. Ukraine waxa ay eersatay heshiis aan laga fiirsan oo ay la gashay dalka Ruushka, sanadkii 1997-kii.

Heshiiskaas oo ay ku kiraysay Dekedda Sebestopol ee Gobolka Crimea oo ay saldhig u ahayd raxanta Ciidamadda Badda Ruushka ee Black Sea Fleet tan iyo Soofiyeetkii, waxaana waqtiga kirada talada Ukraine hayey qolo aaminsanayd in ay xulufo la yihiin Ruushka.

Ruushku markii uu dareemay sanadkii 2014-kii in qolo cusub oo u janjeerta NATO ay la wareegi rabto talada Ukraine ayuu xoog ku qabsaday gobolkii uu ka kireystay dekedda oo dhan.

3. Ukraine waxa ay eersatay tacadiga iyo fogeeynta qoomiyadda laga tira badan yahay ee Ruushka oo ka ah dalkaas 17%, haddana aan wax door ah laga siinin talada dalka, xuquuqdoodana aan xil la iska saarin, taas oo ku abuurtay cuqdad iyo in aysan dalkaan waxba ku lahayn.

Soo jeedinno muhim ah oo laga baran karo halkan:

A) Haka kirayn dekedahaaga iyo kaabayaasha dhaqaalahaaga dal aad deris tihiin oo kaa xoog badan ama mid kaa fog laakiin ay idinka dhaxeeyaan tartan isku nooc ah.

B) Dadkaaga aad ka tiro badan tahay isku hay oo nacayb haku abuuran waa albaabka lagaa soo geli doonee.

Waxaa qoray: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media