Dal Muslim ah oo kaalmadii ugu horreeysey u diray dalka Ukraine + Sawirro (Ruush & Ukrainian dalkiisa…)

0

(Hadalsame) 25 Feb 2022 – Bisha Cas ee Turkiga (Kızılay) ayaa gargaar bini’aadminnimo u diri doonta Ukraine Jimcaha maanta ah si ay uga jawaabto baaq taageero ah oo ay soo saartay Laanqayrta Cas ee Ukraine si ay u caawiso dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee ka socda Ukraine.

“Waxaan u direynaa kolonyo gargaar bini’aadminnimo #Ukraine si ay wax uga qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee degdega ah, anagoo kaashanayna Laanqeyrta Cas ee Ukraine,” Kerem Kınık, madaxa hay’adda samafalka, ayaa ku yiri Twitter/ka.

“Waxaa howlwadeennadeenna la gaynayaa gobolka oo wada teendhooyin bakhaarro ah, teendhooyin nooca qoysaska ah iyo baabuurta cuntada lagu qaato ee guurguura oo loogu talagalay daadgureynta iyo #IDPs (dadka gudaha ku barakacay),” ayuu raaciyey Kınık.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu ka walaacsan yahay dhibaato qaxooti oo suurtagal ah, iyadoo uu Kınık xusay in dhammaan hay’adaha gargaarka bini’aadminnimadu ay tahay inay si firfircoon uga hortagaan arrintan.

“Waxaan diyaar u nahay dhammaan noocyada gargaar bini’aadminnimo ee ay u baahan tahay Laanqeyrta Cas ee Ukraine.” ayuu yiri Kınık.

Saddexda shirkadood ee isgaarsiinta ugu waawayn dalka Turkiga ee kala ah Türk Telekom, Turkcell iyo Vodafone, ayaa uga dhawaaqay barahooda bulshada in ay bixinayaan wicitaanno lacag la’aan ah, SMS iyo internet loogu talagalay baahida isgaarsiinta degdegga ah ee muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan Ukraine. Waxay kaloo kula taliyeen inay raacaan hab-raaca Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Turkey gaar ahaan caasimadda dalxiiska ee Antalya, ayaa waxaa haatan ku sugan 29,691 oo dalxiisayaal Ruush ah iyo 8,444 Ukrainian ah kuwaasoo nabad halkaa ku wada jooga ilaa haatan.

Hadalsame Media

Hadalsame Media