“Waxa ay reer Galbeedku Ukraine kula dhaqmayaan saaxiibnimo & hiillo midna maaha!” – Erdogan oo furka xooray

0

(Ankara) 25 Feb 2022 – MW Turkiga ee Tayyip Erdogan ayaa NATO ugu baaqay inay qaadaan “tillaabooyin wax ku ool ah” si loo caawiyo Ukraine oo uu ku duuley dalka Ruushka.

“Ma aha in cambaarayn caadi ah uun la taxo. NATO waa inay qaaddo tillaabo wax ku ool ah,” ayuu yiri Erdogan oo Jimcahan hadlay.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa EU ku eedeeyey inay “talo bixin uun ku koobmeen” halkii ay ka qaadi lahaayeen tillaabo wax taraysa Ukraine isagoo taa ku tilmaamay aragti aan muujinaynin “saaxiibnimo walaa hiillo.”

Warka Erdogan ayaa imanaya xilli uu MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky, uu ku dooday in reer Galbeedku ay dalkiisa ku eegteen Ruushka iyagoo dirirta “ka qooraansanaya neel fog.

Yeelkeede, Turkiga laftiisa ayaa maanta mar sii horreeysey diidey codsi uga yimid MW Zelensky oo doonayey in maraakiibta Ruushka laga xiro marinnada Bosphorus iyo Dardanelles.

 

Hadalsame Media