Daalibaan oo war lama filaan ah kasoo saartay duullaanka Ruushka (Arrin aan is keenayn oo ku jirta)

0

(Kabul) 25 Feb 2022 – Kooxda Daalibaan ee ka arrinisa dalka Afghanistan ayaa bayaan ay soo saartay Ruushka iyo Ukraine ugu baaqday inay colaadda iyo gacan ka hadalka joojiyaan oo adeegsadaan habab silmi ah.

Abdul Qahar Balkhi, Afhayeenka Wasaarad Dibadeedka Afghanistan, ayaa sheegay in dalkiisu uu si dhow ula socdo xaaladda isagoo cambaareerey duullaanka Ruushku ku qaaday Ukraine, taasoo sababtay waxyeello rayid.

Waxay Daalibaan ku baaqday in wada xaajood la galo si loo baajiyo dhibaato kale oo rayidka soo gaarta.

“Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan, iyada oo raacaysa siyaasaddeeda dibedda ee dhexdhexaadnimada ku dhisan, waxay laba dhinac ee hardamaya ugu baaqaysaa inay wax ku xalliyaan wadiiqooyin nabdoon.” ayaa lagu yiri bayaanka, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo qaxootiga dalkooda iyo ardayda Ukraine ka joogta.

Bayaanka Daalibaan ayaa waloow uu bisayl badani ka muuqdo misna dad badan ka yaabiyey, maadaama ay muddo dheer dhibaataynayeen rayidka Afghanistan iyagoo dalkaa qabsaday bishii Agoosto 2021.

Hadalsame Media