XOG: Milkiilaha Chelsea oo laga mamnuucay inuu dib dambe ugu noolaado Ingiriiska & xeelad uu kusoo galo

0

(London) 24 Feb 2022 – Sida uu qorayo The Sun, saraakiil sare oo ka tirsan ammaanka UK ayaa sheegay inaysan dib u dhici doonin in milkiilaha Chelsea uu ku noolaado dalka UK.

Ramon Abramovich oo 55-jir ah ayaa laga soo maray dhinaca Waaxda Socdaalka oo la faray inay xadidaad adag saaraan fiisaha miliyineerkan.

Abramovich oo ah milkiilaha kooxda Chelsea ayaa guri qasri ah oo £125milyan oo gini ku fadhiya ku leh meel u dhow Kensington Palace.

Yeelkeede, waxaa kiiskiisa loo dhiibey Qaybta Kiisaska Gaarka ah ee Wasaaradda Arr. Gudaha UK ee  to base himself in the UK ee ‘Special Cases Unit’.

Abramovich ayay xildhibaanno UK ihi ku dareen 35 nin oo ka mid ah  raggs oligarchs loo yaqaan ee uu far muuqay hoggaanka mucaaradka ah ee Ruushka ah ee Alexei Navalny oo ku tilmaamay ragga caawiya MW Vladimir Putin, waloow uu si wayn u dafiray.

2018 wuxuu Abramovich qaatay dhalashada Israeli, taasoo u saamaxaysa inuu UK joogo ugu badnaan 6 bilood, isagoo bishii Oktoobar UK kusoo galay baasaboorkaas, balse UK ayay ka go’an tahay inay diidaan codsi kasta oo uu ku doonayo iqaamo joogto ah, sida uu xog ku helayo The Sun.

Arrintan ayaa saamayn karta kooxda Blues oo uu naf geliyey ninkan oo balaayiin ku khasiray.

Hadalsame Media