Malliishiyada Ruushku taageero oo xabbad ku bilaabay Ciidanka Ukraine & Ruushka oo duqayn ku bilaabay magaalooyinka waawayn

0

(Kiev) 24 Feb 2022 – Dagaal ba’an ayaa ka bilowday Donbas kaasoo u dhexeeya Ciidamada Ukraine iyo malliishiyaad taabacsan Donetsk, sida uu goor dhowayd ku dhawaaqay afhayeenka malliishiyadan uu Ruushku taageero.

Eduard Basurin ayaa sheegay in “ciidamada Jamhuuriyadda Shacabka Donetsk ay weerareen Ciidanka Ukraine iyagoo adeegsanaya awood kasta oo burburineed oo ay leeyihiin.” Sida uu yiri.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa iyana sheegtay inay duqaymo ku bilowday magaalooyinka waawayn ee Ukraine oo qaraxyo waawayn laga maqlayo.

Wasiir Dibadeedka Kiev, Dmitry Kuleba, ayaa isna war uu soo saaray ku sheegay in Moscow ay soo qaadday “duullaan buuxa oo ka dhan ah Ukraine.”

Wuxuu sheegay inuu yahay duullaan gardarro ah islamarkaana ay iska daafici doonaan oo guulaysan doonaan.

“Adduunku waa inuu celiyaa Putin. Waqtiga tillaabadaa la qaadayana waa hadda.” Ayuu yiri WaD.

Hadalsame Media