“Tani waa Sudetenland” – Nancy Pelosi oo tillaabada Putin ku mitaashey arrin uu sameeyey Hitler (Halkee ka dhacday?)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2022 – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Pelosi, ayaa aqoonsiga Ruushka ee Donetsk iyo Lugansk ku tilmaantay isballaarintii Adolf Hitler.

“Waa dhaqaaq shareed oo ka yimid dhanka ninka KGB-da ah ee Vladimir Putin oo ah ninka ugu taajirsan dalkiisa kaddib markii uu dadkiisa dhiig-miirtay,”  ayay tiri.

Waxay sheegtay inuu ku celcelinayo “in ay u yeerteen dadkiisa ku nool Ukraine oo ay tahay in ay ka badbaadiyaan NATO, iyadoo ku mitaashey Sudetenland.

Sudetenland waa gobol ay deggan yihiin dad Jarman ah oo uu kali taliyihii Naasiga ee Adolf Hitler ka goostay Czechoslovakia 1938-kii kaddib heshiiskii Munich ee ay galeen Germany, Great Britain, France, iyo Italy.

Hitler ayaase markii uu gobolkan goostay kaddib weerar ku qaaday dalal kale oo Yurub ah oo uu qabsaday sida Poland – taasoo uu ka dhashay Dagaalkii 2-aad ee Adduunku.

 

Hadalsame Media