Waxaa berri ku eg maalintii loo qabtay dhamaystirka doorashada xildhibaannada harsan (imisa ayaa la “doortay” ilaa hadda?)

0

(Muqdisho) 24 Feb 2022 Waxaa berritoole ay taariikhda Miilaadigu herdinaysaa 25 Febraayo 2022 waana maalintii loo asteeyey dhamaystirka doorashada Aqalka Hoose ee dalka.

Haddaba maxaan ka ognahay xogta ugu danbeysa ee doorashada Golaha Shacabka?

Waxaa 25 Febraayo oo berri ihi ku hagaagaysaa iyadoo ay dooran yihiin 170 xildhibaan oo qura.

Markii lasii abla-ableeyo xildhibaannada iyo xogta la xiriirta waxay noqonaysaa sidatan:.

  • Xidhibaannada Cusub 61 xubnood.
    Xildhibaannada soo laabtay 109.
    Xildhibaannada Raga ah 132.
    Xildhibaannada haweenka ah 38.
    Xildhibaannada harsan waa 100.

Hadalsame Media