Ruushka oo durba jug wayn loo gaystey & meesha laga wareemay

0

(Moscow) 24 Feb 2022 – Suuqa saamiyada Ruushks ayaa khasaaray $259bilyan oo doollar taasoo ah khasaarihii ugu waynaa taariikhda, sida ay qortay Bloomberg

Khasaarahan ayaa ka dhigan 45%, iyadoo uu ay lacagta Ruble-ku halkii ugu hooseeysey gaartey marka doollarka loo eego, halka ay qaanta Ruushku gaartey halkii ugu sarraysey tan iyo 2009.

Cunaqanatayn adag oo ka imanaysa  Midowga Yurub iyo dalal kale oo Galbeedka oo ku gooddiyey tii ugu darrayd una xoogganayd ayaa arrintan sababtay, taasoo soo dedejisey in Bangiga Dhexe uu bangiyada gaarka ah kaash adag ugu yabooho $11.5bilyan oo doollar oo dulsaar wadata habeenkii xalay ahaa.

Bangiyada ay jugta ugu xumi ku dhacday waxaa ka mid ah bangiga amaahda ugu badan bixiya ee Sberbank (-45%), sidoo saamiga shirkadda tamarta ee Gazprom (-39%).

Xogta Bloomberg ayaa weliba saadaalinaysa in Ruble uu bilaa qiime noqonayo oo uu 100% hoos u dhacayo marka doollarka Maraykanka (USD) loo eego, isagoo 86% haatan maraya.

Hadalsame Media