RUUSH & REER GALBEED: Dagaalka saaka Ukraine ka qarxey oo salka ku haya 5 qodob oo qoto dheer

0

(Hadalsame) 24 Feb 2022 – Ruush iyo reer Galbeed. Dagaalka saaka ka dhex qarxay dalalka Ruushka iyo Yukreyn sababtiisu ma aha wax imika bilowday ee waa mid ku soo taxnayd taariikh aad u fog. Waa taariikh ay ku dheehan yihiin isirnimo, diin, aydoolojiyad, dhaqaale iyo nabadgelyo qarameed. Dhammaan loollanadii iyo dagaalladii reer Yurub ka soo dhici jiray la ga soo bilaabo qarniyadii dhexe waxaa waday arrimahaa kore oo wada jira ama ka la jira.

Sida la yaqaan reer Yurub wax ay ka kooban yihiin dadyaw u qaybsan afaf iyo dhaqamo, mar kalena diimo. Qolooyin ay u gu horreeyaan Faransiiska, Isbaanishka, Talyaaniga, Boordaqiiska iyo Roomaaniya waxaa la is ku yidhaahdaa Latin. Inta ku hadasha Af Jarmalka, Holland, Ingiriiska iyo Iskaandinaafiyan waxaa la is ku yidhaahdaa German (Jermaan), afafkooduna waa xigto. Qolooyinka Ruushka, Boolan, Yukreyn iyo dhammaan Yurubta Bari waxaa la is ku yidhaahdaa Slavs (Islaaf) afafkooduna waa xigto. Sidaa ay qolooyinka u ka la yihiin saamayn nafsi ah ayay weligeed ku lahayd diimahooda iyo siyaasadahooda.

Tusaale ahaan dhammaan dadyawga Laatiinka ah diintooduna waa Kaatoolig, kuwa Jermaanka ahi waa Borotestaan, inta Islaafka ahina waa Ortodhogos. Sannadihii u dhexeeyay 1618 ilaa 1648 Yurub waxaa ka socday dagaalka loo yaqaan Dagaalkii Soddonka sano, kaas oo ka dhexeeyay Kaatooligga iyo Borotestaanka. Dhanka kale Yurubta Galbeed (Kaatooligga iyo Borotestaanka) oo dhaqan hoosaad ka dhexeeyay kol haddii ay diin ahaan iyo dawlad ahaan ka la farcameen, wax ay yeelan jireen is xulafaysi lid ku ah Ruushka. Sannadihii 1853 ilaa 1856 waxaa dhacay dagaalka loo yaqaan Crimea War (Kiriimiya) kaas oo ay Ruushka isu xulafaysteen Ingiriiska, Faransiiska iyo dawladdii Cismaaniyadu. Berigaa ka hor, sannadkii 1812, Moosko waxaa qabsaday ciidamadii uu Napoleon ka urursaday Yurubta Galbeed oo tiradoodu ku dhowayd nus malyuun askari. Waxaas oo ciidan ah u gu dambayn Ruushku waa ay dabargooyeen dalkoodana ka xoraysteen.

Ruushku kolkii uu noqday quwad weyn, gaar ahaan intii ka dambaysay badhtamihii qarnigii 19, wax uu baalka gashaday oo xulafaystay, ama difaacay, dadyawga uu odayga u yahay ee Islaafka. Sannadkii 1917 kolkii Kacaanka Hantiwadaaggu dalkaa ka dhashay, ee uu abuurmay dalweynihii Midowga Soofiyad, cidda kowaad ee Ruushku la midoobay wax ay ahayd qolooyinkaa uu xigsanayay ee kor ku xusan. Si taa la mid ah dhammaan dalalka Yurubta Bari ee qaatay mabda’a Hantiwagaagga ee Soofiyadka la xulafoobay iyaguna wax ay ahaayeen Islaaf (marka la ga reebo Roomaaniya).

Dagaalkii Labaad ka dib, loollankii waxaa ku soo biiray Maraykanka oo ahaa quwad cusub oo ka farcantay qoladii Jermaanka, wax uuna la gaashaanbuuroobay qoladiisa oo Ingiriisku u gu horreeyo. Halkaa waxaa ka bilowday waxii ay u bixiyeen Dagaalkii Qaboobaa (colaad aanay iyagu toos u dagaallamin). Diintii iyo isirnimadii fidnadu ka abuurmi jirtay waxaa beddeshay aydoolojiyad dunida kale la gu ka la jiidanayo. Bahda Maraykanku wax ay qaateen dunidana u gu baaqeen hantigoosi liiberaal ah, qolada Ruushku hoggaamiyaana hantiwaagnimo sinnaan leh. Loollankaa waxaa si nabdoon loo ga adkaaday quwaddii reer Bari, iyada oo Midowgii Soofiyad ee mabda’a hoggaaminayay maamul xumo darteed u burburay.

Dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa iyo burburkii Soofiyadka waxaa Ruushka iyo Maraykanka dhex maray heshiis afka ah oo aan warqad la gu ka la qoran kaas oo dhigayay Gaashaanbuurta Nato in ayna ku soo fidi karin dalalka Yurubta Bari, dalalkaas oo nabadgelyada qarameed ee Ruushka muhiim u ah. Laakiin Maraykanku heshiiskaa wuu ka baxay oo la ga soo bilaabo 1991 Gaashaanbuurta Nato waxaa la gu daray 12 dal oo Yurubta Bari ah. Arrintaasi Ruushka wax ay gelisay cabsi, waayo ciidamadii Maraykanka ayaa duleedka u soo fadhiistay. Waa gartii oo tusaale ahaan Sannadkii 1962 mar Midowgii Soofiyad doonayay in uu gantaalo dhigto dalka Kuuba ee xulafada la ahaa Maraykanku wuu waashay, waxaana la gu dhowaaday dagaal, ilaa Soofiyadku gantaalihii dib u la noqday.

Maxaa Yukreyn u gaar ah oo Ruushka ka sii xanaajiyay haddaba? Dhawr arrimood:

1. Yukreyn dhul ahaan waa dalka Yurub oo dhan u gu ballaadhan Ruushka kaddib, wax uuna Ruushku la leeyahay soohdin aad u dheer oo ku dhereran Yurub, waana jiiddii u dambaysay ee uu amnigiisa ku ilaalin kari lahaa.

2. Sannadkii 2008 Gaashaanbuurta Nato wax ay caddeeyeen in ay Yukreyn iyaga ka mid noqonayso, taas oo Ruushka aad u ga cadhaysiisay.

3. Sannadkii 2014 dalka Yukreyn waxaa ka dhacay qalaanqal siyaasadeed oo keenay in madaxweynihii si aan sharci ahayn loo beddelay, waxaana oogsaday kacdoon dadweyne oo xooggan. Markaa Midowga Yurub iyo reer Galbeedku si weyn ayay faraha u la galeen, iyaga oo doonayay dalkaasi in uu iyaga la noqdo gaashaanbuur dhaqaale oo loo gu soo dhowaynayo Midowga Yurub, is la markaas oo uu socday heshiis kaa u dhigma oo Ruushku dawladdaa la gali lahaa.

4. Dadka reer Yukreyn Ruushka waa ay u ga duwan yihiin Yurubta Bari ee kale, waayo labadaa dad aad bay isu gu milan yihiin dhalasho, taariikh iyo siyaasad ahaanba, in badan ayayn dawladnimo wadaageen, u gu yaraan 17% reer Yukreyn waa Ruush, in kale oo badanna afkooda hooyo waa Af Ruush.

5. Doorashadii 1991 uu dalka Yukreyn ka ga go’ay Ruushka 90% ayaa oggolaaday, laakiin markaa iyo imikaba waxaa jira dad badan oo weli aaminsan in Ruushka la la midoobo, dadkaas bayna dawladda Ruushku sheegtay in dalkaa la gu cabbudhiyo oo la takooro.

Reer Galbeedku iyagu wax ay rabaan in ay Ruushka dhan walba ka soo oodaan oo go’doomiyaan siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba. Hadafkoodu waa in u gu dambayn Ruushku waayo kaalintiisa quwad caalami ah, kuna ururo in uu noqdo dal caadi ah oo amarkooda qaata. Waa inta uu isaguna ka dagaallamayo.

Natiijadu wax ay tahay, Ruushku abidkii ma aqbali doono in Mararaykanku u soo fadhiisto Yukreyn. Laakiin u ma badna in uu dalkaas oo dhan wada qabsado, wax ay se u badan tahay in uu ka qaado saddex tallaabo oo edbin ah oo ka la ah in uu jamhuuriyado yaryar u qaybiyo (imikaba laba jamhuuriyadood oo gobollada Bari ku yaal buu aqoonsaday), in uu hub ka dhigid ku sameeyo kana dhigo dal aan hub iyo millateri lahayn, iyo u gu dambayn in uu ka saxeexo in aan Nato iyo EU soo gali karin. Wax kasta oo uu Ruushku Yukreyn ku sameeyana cid wax ka qaban kartaa ma jirto, waayo reer Galbeedku waa ay og yihiin in ay isaga u tahay geeri iyo nolol.

Waxaa Xarriiqay: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media