Ukraine oo mar ahayd dalka 3-aad oo haysta hubka ugu badan ee nukliyeer ah & halka uu ku dambeeyey?!

0

(Kiev) 24 Feb 2022 – 1991-kii kaddib burburkii Midowgii Soofiyeeti waxay Ukraine noqotay cududda 3-aad er caalamka oo idil haysatey hubka nukliyeerka, iyadoo ka madaxyo badnayd UK, Faransiiska iyo Shiinaha.

Nukliyeerkii Ukraine halkee ku danbeeyey? Dalalka Maraykanka, UK iyo Ruushka ayaa geeed dheer iyo geed gaaban u fuulay inay Ukraine ku qalqaaliyaan inay hubkan istaraatijiga ah ka tanaasusho waxaana 1994-kii laga saxiixay Heshiiskii Budapest Memorandum.

Ukraine ayaa ugu dambayn ogolaatay inay hubkan inta badan ku wareejiso Ruushka qaarna ay burburiso.

Maanta Ukraine dib ayay uga fikiraysaa tillaabadaa ay qaadday waayo Maraykan iyo Ingiriis oo heshiiska wax ka saxiixay kama soo bixin damaanad ammaan oo ay xilligaa qaadeen.

Halka Ruushka oo ahaa saxiixaha kale uu gebi ahaanba ku tuntay ballanqaadkiisii isagoo 2014 Ukraine ka goostay gobol istaraatiji ah oo ah jasiirad u ekaha Crimea.

Halka uu Isniintii ku dhawaaqay in uu 2 dal u aqoonsaday Gobolka Donbas ee Bariga Ukraine oo ay ciidamadiisu saaka ku jarmaadeen.

Hadalsame Media