Qoraa Kenyan ah oo munaafaqad Somalia ku saabsan kasoo saaray khudbad ay shalay Kenya ka jeedisey QM oo ka dhan ah Ruushka

0

(Nairobi) 24 Feb 2022 – Danjiraha Kenya u fadhiya Golaha Ammaanka ee QM ee Martin Kimani ayaa khudbad uu jeediyey su’aal ku geliyey tillaabada uu Ruushanku jamhuuriyado ugu aqoonsaday kaddibna ciidamo uu “nabad ilaalin” ku sheegay ugu diray gobol ka tirsan Ukraine.

Ergayga Kenya ayaa khudbaddiisa ku taataabtay in sida uu yiri “ay Kenya sida dal kasta oo kale oo Afrikaan ah ay dhaxashay xuduudo aysan iyadu samaysanin oo uu gumaysigu uga tegey”, balse kaddib ay isu raaceen in ay sidaa ku wada noolaadaan, isagoo dafiraya in dalal badan oo ay Kenya iyo Somalia ka mid yihiin aysan arrintaa abid si buuxda uga heshiinin.

Yeelkeede, Patrick Gathara oo ah qoraa Kenyan ah ayaa aad u dhaliilay hadalka Danjiraha Kenya, isagoo sheegay in waloow uu ku raacsan yahay dhaliisha weerarka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, uu misna warkiisu la tiicayo munaafaqad xarka goys ah.

”Oktoobar 2011, Kenya lafteeda ayaa ciidamo iyo agab duntay kaddibna u dirtay dalka deriska ah ee Somalia, iyadoo weliba ay reer Galbeedku uga digayeen,” ayuu yiri Gathara.

”Maanta lafteeda, Kenya waxay diiddan tahay xukunka Maxkamadda Cadaaladda Caalamka ee ICJ ee ku saabsan dhul-badeedka ku yaalla xadka aannu Somalia la leennahay,” ayuu raaciyey.

Warka Kimani waxaa amaanay gumaystayaashii hore oo iska dhigaya inay Afrika asxaan u sameeyeen. Ruushkuna waa mudan yahay in la cambaareeyo, balse Danijiruhu wuxuu sheegay wax ka badan wixii u ekaa. Kenya-na dabcan ma aha dalkii ku habboonaa jeedinta muran ka dhan ah dalal lagu duulo.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media