”Waa halis in laysar la isku weeraro!” – Maxaa kala qabsaday dayuurad basaas ah oo Australiana ah & laba markab oo Shiinuhu leeyahay?!! + Sawirro

0

(Canberra) 20 Feb 2022 – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa la sheegay in uu isticmaalay shucaaca laysarka si uu iftiin xooggan ugu cawaro diyaarad basaas ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka ee Australia, waxa ay Canberra ku tilmaantay “dhacdo ammaanka halis ku ah oo aan xirfadlennimo ka muuqanin” mar ay bayaan soo saareen Sabtigii.

Duuliyayaasha horay loola beegsaday weerarada laysarka ayaa waxa ay soo sheegeen falaashyo indhaha madoobaynaya, xanuun, barar iyo dhibco aragooda ka muuqda iyo xataa indho la’aan ku meel gaar ah.

“Inta lagu jiro marxaladaha halista ah ee duullimaadyada oo aanu duuliyuhu haysan waqti ku filan oo uu ku soo kabsado, cawaaqibka laysarka waxay noqon kartaa musiibo.” ayaa ku dhigan dukumenti ay hayso hay’adda Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka Maraykanka ee FAA.

Dhacdadan ayaa ku beegnayd Talaadadii, bayaanka ayaana lagu sheegay in diyaarad Australia leedahay oo ah P-8A oo ah nooca sahanka ee gujisyada raadisa ay dul haaddey Badda Arafura, oo ah biyaha u dhexeeya Waqooyiga Australia iyo jasiiradda New Guinea ee waqooyi.

Markabka Ciidanka Badda Shiinaha (PLAN) ayaa deeto ku fiiqay shucaaca laser-ka diyaaradda Australia kaasoo ka mid ahaa laba markab oo dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Shiinaha oo xilligaasi marayey dhinaca bari ee Badda Arafura, sida ay sheegeen millateriga Australia.

Waxay soo saareen sawirada laba markab oo Shiineeska ah, kuwaas oo marka loo eego lambarrada gudaarradooda ah nooca gana gantaalaha la hago ee Hefei iyo markabka berri-biyoodka ah ee ciidamada iyo saanadda xeebaha ka dejiya ee Jinggang Shan, balse Australia si gaar ah uma sheegin kooda laysarka ku weeraray diyaaraddooda.

Dhacdada kaddib, maraakiibta Shiinuhu waxay soo mareen Marinka Torres Strait waxayna deeto sii galeen badda Coral Sea, sida lagu yiri bayaanka.

Shiinaha ayaan wax hadal ah oo degdeg ah weli kasoo saarin eedeymaha Australia, lamana oga in maraakiibta Shiinaha laftoodu ay arkeen inay dayuuraddu basaasayso oo ay laysarka ku weerareen iyo in kale.

A Chinese vessel used a laser on an Australian Defence Force (ADF) aircraft, the ADF said in a statement Saturday.

Hadalsame Media