Laacib caan ah oo ka dheela Talyaaniga oo ka hadlay riyo uu sheegay inay xitaa uga wanaagsan tahay CL

0
UC Sampdoria v FC Internazionale - Serie A The logo of Serie A TIM is seen prior to the Serie A football match between UC Sampdoria and FC Internazionale. Genoa Italy Copyright: xNicolxCampox

(Hadalsame) 20 Feb 2022 – Laacibka Hamed Junior Traorè ayaa shalaytoolre 22 jirsaday wuxuuna ka hadlay riyada ugu wayn ee uu haatan leeyahay:

“Riyadii ugu horreysay waxaan xaqiiqsaday markii aan noqday ciyaaryahan kubbadda cagta ah,” ayuu ku bilaabay.

“Midda labaad waa in aan qoyskayga isku keeno. Diyaarinta dhammaan waraaqaha la iska doonayo. Marka aan hooyaday, aabbahay, walaalkay iyo labada gabdhood ee walaalahay ay yimaadaan Talyaaniga way iiga fiicnaan doontaa inaan ciyaaro Champions League.” ayuu yiri.

Traorè oo u safta kooxda Talyaaniga ah ee Sassuolo ayaa ka mid ah laacibiinta da’da yar ee haatan ugu wanaagsan Serie A-da, waxayna kooxdiisu maanta wajahaysaa kooxda Inter Milan.

Hadalsame Media