Maraykanka oo markale wada qorshe uu doonayo inuu ka fuliyo Somalia (3 kulan oo gobolka ka dhacay)

0
French soldiers of the aerial detachment of the Operation Barkhane stand guard near a Reaper drone about to take off from the Nigerian military airport Diori Hamani in Niamey on January 2, 2015. Operation Barkhane is an anti-Islamist operation in Africa's Sahel region beginning in July 2014 which consists of a 3,000-strong French force. AFP PHOTO / DOMINIQUE FAGET (Photo credit should read DOMINIQUE FAGET/AFP/Getty Images)

(Hadalsame) 20 Jan 2022 – Jen. Stephen Townsend, Taliyaha Ciidamada Maraykanka Taliska Afrika, iyo Mijirka Richard Thresheray oo ka tirsan Ciidanka Badda ayaa soo gabagabeeyay safar uu dalal badan ku tegey kuwaasoo ka tirsan Bariga Afrika isagoo intii uu socdaalka ku jiray la kulmay madax rayid ah iyo madax ciidan oo ku kala sugan Jabuuti, Soomaaliya iyo Kenya.

Safarku wuxuu iftiimiyay sida Taliska Afrika ee Maraykanku uu u hirgeliyo hawlgalladiisa kahortagga argagixisanimada iyo dhibaatooyinka jawiyada ammaan ee qalafsan. Taliska, oo ay wehliyaan xulafadiisa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ayaa waxay diiradda saaraan diblomaasiyadda, horumarinta iyo difaaca si loo horumariyo waxtarka dalalka jaalka ah, iyo horumarinta amniga, maamulka iyo sharciga ee qaaradda oo dhan, sida qoraalka lagu yiri.

Jabuuti, Townsend, waxa ay isku arkeen Safiirka u fadhiya Jabuuti Jonathan Pratt, iyo Taliyaha Ciidanka Geeska Afrika ee Maraykanka (CJTF-HOA), Maj. Gene. William Zana waxaa kale oo uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamed Cali Xasan, oo ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga xooggan ee u dhexeeya Jabuuti iyo Mareykanka.

Muqdisho, Soomaaliya, Townsend iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, Larry André, Jr. waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya Jen. Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab. Townsend iyo Thresher waxay kaloo booqdeen Xubno ka tirsan ciidamada Marayknaka ee ku sugan aagagga hore ee garoonka diyaaradaha ee Balidoogle iyo Kismaayo.

Gudaha Kenya, Townsend iyo Thresher waxay booqdeen gacanka Manda Bay, si ay ula kulmaan taliyeyaasha iyo ciidamada ka taageeraya amniga iyo tababarrada gobolka. Townsend ayaa sidoo kale la hadlay Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Jeneraal Robert Kibochi.

“Khalkhal-gelinta iyo ujeeddada gurracan ee al-Shabaab waxay u baahan tahay hoggaan ka yimaada Soomaalida iyo taageerada joogtada ah ee Jabuuti, Kenya iyo Maraykanka, iyo xubnaha kale ee beesha caalamka.” ayuu yiri Jen. Townsend oo dalalkan gacan waydiisanaya.

Maraykanka ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegey Joe Biden yareeyey duqaymihii uu ka samaynayey Somalia, kaddib markii ay yimaadeen qayladhaan ku saabsan in la duqeeyey dad rayid ah.

Hadalsame Media