Arrin ka xanuun badan midda haatan laga hadlayo oo ku jirta heshiiska loo saxiixay shirkadda faashlaha ah

0

(Muqdisho) 20 Feb 2022 – Prof. Yaxye Caamir oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sharraxaad ka bixiyey nooca uu yahay heshiiska dhacay iyo xitaa shirkadda la sheegay in lala galay.

Yaxye Caamir ayaa farta ku fiiqay in shirkadda loo saxiixay heshiiskan ee Coastline Exploration Ltd oo ka diiwaan gashan Maraykanku aysanba xitaa shidaal soo saarin balse ay leedahay uun kaalimo shidaal ah, sidaa darteed, doorkoodu uu yahay inay ka faashlayso shidaalka Somalia.

“Shirkadahaan ma aha kuwo wax soo saara, waa dallaal doonaya inay berri hor istaagaan iibinta shidaalka Somalia ama lacag dheeraad ah dul saartaan. Lama yaqaan lacagta heshiiska ku qorani halka ay ku dhacayso, marka waa nooc kamid ah Burcadnimada.” ayuu yiri  Prof Yaxye oo la hadlay VOA.

Heshiiskan shidaal baarista ah oo uu saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Inj. Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa waxa uu murankiisu soo shaac baxay kaddib markii ay warqado iska daba ordaya soo saareen Xafiisyada Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha kuwaasoo sharci darro ku tilmaamaya heshiiska, waloow uu Wasiirku farta ku godey inuu heshiiskan u duceeyey lana ogaa MW Somalia, Md Farmaajo.

Tan ugu daranina waa in hantidii qaranka faraha loogu shubayo sharikaad qowlaysato ah oo kharash yar laga qaatay kuwaasoo hadhow rakaataynaya amaba balaayiin doollar oo aysan xaq u lahayn ku cunaya magaca khayraadka dalka Somalia.

Coastline Exploration Ltd ayaa iyadana dhanba la asaasay 2018-kii.

Hadalsame Media