Gudiga Doorashada Federaalka oo sheegay in barahooda markale la jabsaday

0

(Muqdisho) 20 Feb 2022 – Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka ayaa soo saaray warqad rasmi ah oo ay ku sheegayaan in la jabsaday koontooyinkii iyo webkoodii.

“Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan inta danaynaysa doorashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed in markale lala wareegey dhammaan barihii guddiga sida webkii, Twitter, iyo Facebook.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sheegay in tillaabadan lagu carqaladaynayo doorashada dalka balse ay u wareegi doonaan shirar jaraa’id oo toos ah.

Waxay sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaameen wixii lasoo geliyo muddada ay barahani farahooda ka maqan yihiin.

Hadalsame Media