Cali Yare oo guuldarro qirtay, arrin uu qariyey & laba uu iftiimiyey

0

(Muqdisho) 14 Feb 2022 – Cali Yare Cali oo ka mid ah Guddoomiye Xigeennada Gobolka Banaadir ayaa qiray in laga soo celiyey Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde xilli uu kusii jeedey magaalada Dhuusamareeb oo uu kursi xildhibaannimo ugu tartami lahaa sida uu sii sheegay.

Yeelkeede, Cali Yare ayaa isagoo qiraya misna beeniyey in NISA oo haatan dhex boodda siyaasadda dalka iyo doorashadu ay isaga celisey.

”Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen,” ayuu ku bilaabay.

”Madaxda NISA waxaan uga mahadcelinayaa Jawaabta ay arrinkaas ka bixiyeen oo ahaa mid dhaxalgal ah oo ka turjumaya macnaha dhabta ah ee Hey’addu u taagantahay. Waxaan u Mahadcelinayaa Madaxda dowlada Federaalka oo sameysay dadaalkasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo.” ayuu raaciyey isagoo NISA u sawiraya sidii hay’ad ka amar qaadata Qoor Qoor ama iyadu talo ku leh go’aamadiisa, halkii uu ka abbaari lahaa cidda NISA amartay.

Tillaabadan ayaa imanaysa 24 saacadood uun kaddib markii uu Cali laftiisu ku wiirsaday rag horay looga celiyey garoonka oo uu ugu dambeeyey Cabdiweli Muudey.

Hadalsame Media