Somalia oo arrimo badan ka ”faa’iidaysanaysa” Rwanda & madal maanta bilaabmaysa (Cillad durba ka muuqata)

0

(Kigali) 14 Feb 2022 – Wefdi ka kooban DF Somalia iyo dhow duq magaalo ayaa lagu wadaa in ay magaalada Kigali ee caasimadda Rwanda ku qabtaan madal iyagoo sidoo kale booqashooyin kala duwan ku kala bixin doona gobollada dalkaasi.

Agaasinka madashan ayaa lagu wadaa inay dhacdo Isniintan, 14-ka ilaa 18-ka Febraayo 2022, madashana waxa martigelin doona Jamciyadda Dawladaha Hoose ee Rwanda (RALGA).

Madashaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya (MoIFAR) oo taageero ka heleysa Hay’adda UN-Habitat iyo Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dowladaha Hoose (JPLG).

Waxaa la filayaa in ay ka soo qayb galayaasha u bandhigaan madal ay ku milicsadaan qaab-dhismeedka dawladnimo ee dalkan Geeska Afrika iyo culayska dowladnimo iyo arrimaha horumarinta sida magaalaynta, maamul daadejinta, maaraynta barakaca, maaraynta masiibooyinka, iyo daadejinta adeegyada.

Sheekada guuleed ee Rwanda ee dhinaca dawladaha hoose waxay salka kusii haysaa siyaasad aragti fog leh oo loo maray dib-u-heshiisiin dhab ah, dowlad-dhisid waari karta, horumarinta dhaqaalaha, horumarinta iyo kobcinta hay’adaha, iyo daadejinta adeeg bixinta.

Ladislas Ngendahimana, Xoghayaha Guud ee RALGA, ayaa ku ammaanay maamulada Soomaaliya iyo UN Habitat sida ay u doorteen Rwanda inay martigeliso madashan, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay RALGA inay madashani guuleysato.

Madaxa Wefdiga Maayarrada Soomaaliya, Saciid C/llaahi Calasow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa sheegay in Maayarrada Soomaaliya aysan heli karin dal ka wanaagsan Rwanda oo ay ku qabsadaan madashooda.

Tan iyo 2008-dii, barnaamijka wadajirka ah ee Qaramada Midoobay iyo Maamul-goboleedyada ayaa taageerayey hirgelinta dhowr dib-u-habeyn oo dawladaha hoose ee Soomaaliya ah, oo ay ku jiraan samaynta Ururka Dowladaha Hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL).

Somalia ayaan lahayn rabitaan siyaasadeed oo u naxaya dalka iyo xitaa shacab dan garad ah oo fahmaya waxa ka khaldan waana taas sababta keenaysa in Rwanda oo 1 milyan ku dhowaad bil iskaga dishey ay dhibkeeda si maxalli ah u xallisatay jid kaa ka wanaagsanna martay, halka ay Somalia ay ku meeraysanayso siyaasado horay loogu daaley oo ka darayaal ah, booqasho lagu tago Japan iyo Kuuriyana aysan waxba ka taraynin Rwanda ka joogtee.

Waxaa kale oo halkan laga garan karaa in shirkan ay qabanqaabisay hay’ad ah NGO caalami ah oo aysan ahayn qorshe siyaasadeed oo ay jeexatay DF Somalia.

Hadalsame Media