”Ammaanka Yurub oo idil ayaa halis gelaya haddii Ukraine la weeraro!” – Dhegeyso

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Dedaallo diblomaasiyadeed oo culus ayaa ka soconaya dhowr furimood si loo xalliyo xasaradda  Ukraine, iyadoo ay Wasiir Dibadeedka Sweden ee Ann Linde (S) ay weli rajanayso in Ruushku uu dooran karo wadiiqo nabadeed.

Hayeeshee, Linde ayaa sidoo kale sawiraysa muuqaalka ka dhalan kara haddii uu dhaboobo duullaanka la hadal hayo inay Ruushku ku ekayn karaan dalkaasi Ukraine.

”Waxaan doonayaa inaan iraahdo inay taasi si aad u xun u saamayn karto ammaanka Yurub oo dhan oo markaa halis gelaya’’ Ayay tiri.

Waxay Ann Linde quud darraynaysaa in ay weli jirto suurtagalnimo xal lagu gaari karo haddii ay Ruushka iyo Ukraine dib ugu laabtaan heshiiskii Minsk Agreement ee 2015, kaasoo dhigayey in xabbad joojin laga dhaqan geliyo bariga Ukraine oo ka dagaallamayaan gooni-goosad uu Ruushanku naas nuujiyo iyo in doorashooyinka maxalliga ihi ay ku qabsoomi karaan magaalooyinka Donetsk iyo Luhansk oo ka wada tirsan Gobolka Donbass.

Hadalsame Media