”150-jeer ayay sinji faquuq igula keceen!” – Booliiska Sweden oo lagu haysto kiis culus (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Thomas James waxa uu shirkad ganacsi ku leeyahay dalka Danmarka balse waxa uu ku noolyahay Malmö 16-sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in Booliska xadka ay bartilmaamsadeen tiro ka dhowr jeer ah buundada Öresundsbron.

“Haddii ay ahaan laheyd dhowr jeer sannadkii, ma ahaateen wax dhib ah, balse 150 jeer ayaa la baaray 18 bilood ee ugu dambeeyay” ayuu yiri Thomas.

Hadalsame Media