Dal markii ugu horreeysey calankiisa ka taagtey dhul uu Ingiriisku ka haysto (Sidee wax u dheceen?)

0

(Hadalsame) 14 Feb 2022 – Mauritius ayaa Isniinta maanta ah si rasmi ah uga hortimid lahaanshaha Britain ee jasiiradaha Chagos, iyadoo Jagdish Koonjul, Danjiraha Mauritius u fadhiya Qaramada Midoobay, uu arrintaa sameeyey.

10:30 subaxnimo, mas’uuliyiinta dalkaasi waxay ku heeseen heesta calanka iyagoo kor u qaadaya calanka dalkaasi gasiiradaha ah intii lagu guda jirey xaflad ka dhacay Atol oo ka mid gasiiradaha Peros Banhos, oo haatan Ingiriisku haysto, sida ay qortay the Guardian.

“Ingiriisku marar badan ayuu dalal gumeystey. Annaguse, si kastaba ha ahaatee, waxaan dib u soo ceshanaynaa wixii aannu had iyo jeer annag iska lahayn,” ayuu ku dooday Koonjul.

Saraakiisha iyo warbaahintii goobta iskugu yimid ayaa intaa kaddib guda galay in ay dhageystaan ​​fariin uu horay u duubay Ra’iisul Wasaaraha Mauritius Pravind Jugnauth.

“Tani waa markii ugu horeysay ee Mauritius ay samayso socdaal ay ku tegeyso qayb ka mid ah dhulkeeda,” ayuu yiri Jugnauth oo fariintiisa oo cod ahayd la ciyaaray. “Waxaan dareemayaa murugo inaan awoodi waayay inaan ka mid noqdo booqashadan taariikhiga ah.”

Waxa uu intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay in “walaalaheen Chagossian” ay u safri karaan halkii ay ku dhasheen iyaga oo aysan galbinaynin dad Ingiriis ah.

Waxaa shalay halkaa gaarey 5 qofood oo jasaa’irkaa laga soo musaafuriyey 50 sanadood kahor, kuwaasoo kala ah; Olivier Bancoult, Lisbey Elyse, Marie Suzelle Baptiste, Rosemonde Bertin iyo Marcel Humbert iyagoo sita funaanado ay ku qoran yihiin halkudheg ah “Chagos waa gurigayga” iyo “qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu ku noolaado halkii uu ku dhashay.”

Jasiiradahan oo 60 gaaraya ayaa ku fadhiya 56.1 km oo jibbaaran, waxaana kala barkood ku fadhisa jasiiradda Diego Garcia oo uu Ingiriisku ku wareejiyey Maraykanka oo ka dhigtay saldhig cireed, gaar ahaan dayuuradaha wax duqeeya, maadaama ay goobtu tahay meel istaraatiji ah oo ku taal bartamaha Badwaynta Hindiya.

Hadalsame Media