Dal Muslim ah oo helaya gantaalaha cusub ee Cheholme-II oo 5 jeer guuxooda ka dheereeya & dalalka isla sameeya + Sawirro

0

(Hadalsame) 07 Feb 2022 – Imaaraadka Carabta ayaa go’aan ku gaaray in ay iibsadaan gantaallada dhul-ka-cirka ah ee Kuuriyada Koonfureed ee loo yaqaan Cheolmae-II, kuwaas oo wadarta qiimahoodu ku kacayo ​​$3.3 bilyan, waana lacagtii ugu badnayd ee ay sharikad Kuuriyaan ihi hub uga iibiso dal qalaad.

Cheholme-II oo 5 jeer guuxiisa ka dheereeya, waa gantaalaha riddada dhexe, balse hannaankani ma aha nakhshad ay Kuuriyada Koonfureed kaligeed leedahay, maadaama ay ku lug leeyihiin shirkado Ruush ah sida Almaz-Altai iyo Fakel oo ka qayb ka qaatay horumarintiisa, gaar ahaan dhinaca taageerada tignoolajiyada.

Intaa waxaa dheer, in Cheolmae-II uu leeyahay tignoolajiyada gantaalaha Ruushka ee 9M96, taas qayb ka ah nidaamyada difaaca hawada ee S-350E iyo S-400 ee caanka ah. Waxaana laga garan karaa muuqaalka Cheolmae-II oo aad loogu soo sooci karo kan S-350E.

Cheolmae-II waxaa isla farsameeya laba shirkadood oo Kuuriyada Koonfureed ah – Hanwha Defense iyo LIG Nex1, marka laga soo tago qaybaha uu Ruushku ku daro tiknolojiyad wadaag ahaan.

Cheholme-II waxa adeegsanayey ciidanka daafaca gantaalaha Kuuriyada Koonfureed tan iyo 2015-kii. Waxa uuna ka kooban yahay afar ilaa lix 8-qunux oo uu midkiiba hal gantaal ku cabbaysan yahay, kaasoo taageeranaya raadaar wejiyo badan ah oo 3D ah oo ku shaqeeya anteenada dhijitaalka ah ee PESA phased array oo raadaarka u saamaxaya inuu dhudo elektaroonig ah u kala diro jiho kasta 360 digrii iyadoo aan anteenada la leexleexinna arko wax kasta oo hawadiisa soo gala.

Muxuu Imaaraadku hadda hawadiisa ku difaacaa?

Difaaca cirka ee Imaaraadka Carabtu waxa ay hadda qayb ahaan ku tiirsan yihiin laba baytari ama qunux oo ah nooca THAAD ee uu Maraykanku sameeyo. Waxayna ku xoojiyaan nooca kale ee Patriot PAC-3 ee isla Maraykanka, oo ay heleen 2008.

Sidoo kale, si ay uga hortagaan gantaalaha ku xawaareeya joogga hoose, ciidamada Imaaraadku waxay haystaan ​​50 hab oo ah nooca Ruush-sameega ah ee Pantsir S1 iyo MIM-23 Hawk.

Raadaarka dhijitaalka ah ee Cheholme-II

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media