Midowga Afirka oo dhanna u dhaafi waayey go’aan ay horay u gaartey DF Somalia

0

(Addis Ababa) 07 Feb 2022 – Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Haweeneydan loo soo magacaabay in ay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay Soomaaliya ah dalka saartay, kadib markii bishii November ee sanadkii hore lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ku lug yeeshay howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM.

Isha: BBC

Hadalsame Media